4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo ka Hadashay Falkii lagu dilay Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Shir ay xalay isugu yimaadeen hay’adaha Ammaanka ayaa looga hadlay dhacdadii uu ku geeriyooday Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo darawalkiisii ayna kuna dhaawacmeen askari boolis ah iyo lix ka tirsan Millateriga DF  Soomaaliya.

Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray, kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, balse waxaa sheegatay Al-shabaab, taasoo ay beenisay dowladda Soomaaliya.

"Dhacdadaan Xanuunka badan waxay u dhacday sidan; Gaari ay wateen Xildhibaanada oo marayey wadadda Maka-Al-mukarama ayaa waxaa ka daba yimid gaari ay ciidamo saaran yihiin, wuxuuna u yeeriyey hoon, madaama ay shaki abuuri karto gaari si xoog ah u socda, gaariga xildhibaannadu waxay u diideen inuu gaariga ciidamadu baaso, kaddiba gaarigii ciidanka wuxuu qabsaday seedkii kale, wuxuuna markiiba horey uga yimid baabuurkii ay xildhibaannadu wateen, rasaas ayuuna ku billaabay baabuurkii ay wateen xildhibaannada. Ilaaladii xildhibaannada la socday, ciidankii waardiyaha ka ahaa laanta socdaalka iyo ciidamo ka tirsan nabad-sugidda oo goobta ka dhawaa ayaa rasaas kusoo riday gaarigii ciidamadu wateen, waxaana gaarigii ciidamada milaterigu ahi wateen goobta ka baacsaday ciidamadii nabad-sugidad, waxayna ka dhaawaceen lix askari," ayuu yiri afhayeenka Aminga.

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaas raaciyay wuxuu xusay in dhacdadaas uu ku naf waayeen xildhibanka Yuusuf Dirir iyo darawalkiisii, wuxuuna dhaawac kasoo gaaray mid ka mid ah ilaaladii xildhibaanka oo ka tirsanaa booliiska iyo lix ka tirsan ciidanka milateriga.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa intaas ku daray in dhacdadaan aysan ahayn mid lagu bar-tilmaameedsanayey xildhbaannada, balse gaariga ciidamadu wateen wuxuu ku socday si mas’uuliyad-daro ah.

"Waxaana meesha ka dhashay kala shaki sababay in la is-rasaaseeyo, mana jiraan gacmo kale oo ku lug lahaa qaabka wax u dhaceen,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia.

Ugu dambeyn, dowladda Somalia waxay u saartay guddi ka kooban toddobo ruux, kuwaas oo la amray inay muddo kooban ku soo gaba-gabeeyaan Baaritaankooda, si loola Tiigsado sharciga cid walba oo ku lug lahaata falkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya