4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Xukuumada Somalia oo sheegtay in Mudane Yuusuf Dirir ay dileen Ciidamada Soomaaliya


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Baaritaano hordhac ah oo laga sameeyay dilkii loo geystay shalay xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo dhaawac loo geystay xildhibaan kale iyo laba qof la socday ayaa la sheegay inay geysteen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo HOL ay ka heshay xukuumadda Somalia ayaa sheegaya in baaritaano tan iyo xalay socday lagu ogaaday in ciidammo ka tirsan millateriga Soomaaliya ay dilkan geysteen.

“Xildhibaanka dhintay iyo midka dhaawacmay waxay wateen gaari, waxaana si xowli ah uga daba-yimid gaari ay wateen millateriga Somalia. Xildhibanadu way baqeen waxayna is yiraahdeen raggan ma ahan ciidan dowladeed ee yaysan idin dilin, waddada ayay dhowr jeer ku jareen, taasoo keentay in gaariga oo seed kale maro uuna ka yimaado gaarigii ay xildhibaannadu wateen isagoo rasaas aan kala sooc lahayn kubillaabay,” ayay HOL kasoo xigatay il wareeg ka tirsan xukuumadda.

Sidoo kale, baaritaannada ayaa lagu sheegay sheegay in Al-shabaab aysan ahayn kuwii dilay xildhibaanka, sheegashadoodana ay tahay mid been abuiur ah oo aysan waxba ka jirin.

“Al-shabaab ma dilin xildhibaan Yuusuf Dirir ee waxaa dilay ciidammo ka tirsan dowladda Somalia,” sidaas wadaa HOL u sheegay mas’uul ka tirsan dowladda isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo la sheego in ciidammo ka tirsan dowladda ay dileen xildhibaan baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Wararka ku saabsan arrintan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya