4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Sh. Axmed Madoobe oo eedeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka kana Hadlay Mooshinka Jubba


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Baarlamaanka Soomaaliya inay Shaqadooda kusoo Ururtay inay mooshin uun diyaariyaan iyo iska daba-wareegaan, isagoo ka digay meel marinta mooshinka ka dhanka ah dhismaha baarlamaanka Jubbaland.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Kismaayo ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay arrinta mooshinka, isagoo xusay in hadii mooshinkaas la ansixiyo ay keeni doonto inay xiriirka u jaraan dowladda federaalka.

“Howsha uu baarlamaanka Somalia ka wado Muqdisho waan fahmi waayay, waxaan is-leeyahay shaqadii baarlamaanka waxay kusoo uruurtay mooshin. Waxayna garan la’yihiin Jubaland ma baarlamaanka federaalka ah baa dhisay, ma isagaa dhulkaan xoreeyay, ma iyagaa shirka u qabtay, ma iyagaa sameeyay, waxay ka bixi la’yihiin iska daba wareeg,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in baarlamaanka howsha u taalla ay ka weyn tahay tan uu hadda wado, isagoo tilmaamay in baarlamaankan aan lagu gaari karin sanadka 2016, isla markaana howsha laga rabo aysan dalka gaarsiin karin sida uu hadalka u yiri.

Madaxweynaha Jubba ayaa hadalkiisa ku sheegay in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid qoys matala uusan dalka lugoyn, haddiise uu matalo Soomaali oo dhan uu ilaaliyo dastuurka.

“Madaxweynaha waxaa oday Soomaaliyeed aad buuna u dadaalayaa, waayo isaga ayaa yimid xafladdii caleemo-saarka baarlamaanka Jubbaland, marka waa nin aan u aragno inuu sharciga ilaaliyo, waxaana leennahay madaxweynuhu waa inuu ka muuqdaa meesha ama ka maqnaadaa, isla markaana uu soo saaro go’aan dastuuri ah oo arrinta baarlamaanka Jubbaland ku saabsan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Hogaamiyaha Jubbaland ayaa wuxuu eedeeyn u jeediyay Maamulka Koonfur-galbeed Somalia, isagoo sheegay in maamulkaas uu dib doonayo inuu dib u soo celiyo dagalladii sokeeye ee laga soo gudbay in dagaallo beeleed laga soo gudbay uu hurinayo, wuxuu ugu baaqay inay joojiyaan riyo maalmeedka.

“Maamulka Koonfur-galbeed wuxuu rabaa inuu soo celiyo colaadihii qabiil ee aynu kasoo gudubnay, riyada lixda gobol waxay la mid tahay idinkoo soo jeeda oo socda, waxaa leeyahay Shariif Xasan in ka maamul ahaan wax iska warsano waaye ee ma ahan in banaanbax la dhigo, calammo iyo sawirrana la gubo,” ayuu yiri Madoobe.

Ugu dambeyn, hadalka Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya, xilli golaha baarlamaanka Somalia uu horyaalo mooshin ka dhan ah baarlamaanka Jubbaland oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya