4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo Shirka Pan African kaga Warbixiyay Dhaqaalaha Afrika


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Waddanka Koonfur Afrika, Thabo Imbeki ahna gudoomiyaha hay’adda Midowga Afrika u qaabisan dhaqaalaha ayaa warbixin ay wadajir u soo saareen hay’adda uu madaxda ka yahay iyo hay’ad Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha Afrika ka jeediyay kulanka Baarlamaannada Afrika uga socda Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Thabo Imbeki ayaa warbixintiisa ku sheegay in Afrika ay u baahan tahay 30 - 50 bilyan oo doollar sannad walba si ay wax uga qabato saboolnimada iyo shaqo la'aanta baahsan ee haysata shacabkeeda, isgaoo intaa raaciyay in Afrika ay ka jiraan shirkado reer galbeed ah oo balaayiin doollar sanad kasta ka dhaca Afrika; qaarkood ayaa looga daba-tagay Yurub iyo Ameerika iyadoo laga soo celiyay lacagtii ay kadhaceen Qaaradda.

Sidoo kale, warbixinta Impeki ayaa waxaa su'aalo ka keenay xildhibaannadii shirka joogay ee matalayay dalalka Afrika, kuwaasoo sheegay in dhaqaalaha Afrika uu ku lumo musuq-maasuq iyo kheyraadka Afrika oo ay dhacaan shirkado reer galbeed ah.

Madaxweyanaha Pan African, Bethel Amadi oo soo gabgabeeyay doodaha iyo Aragtiyada warbixinta dahqaalaha Afrika ayaa uga mahad-celiyay Thabo Imbeki khudbadda uu shirk aka jeediyay isgaoo xusay inay ahayd mid ay u baahnaayeen inay wax badan ka ogaadaan; isgaoo guddoonsiiyay billad-sharaf.

Xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed oo ka mid ah xildhibaannada uga qaybgalaya shirka Baarlamaannada Afrika Dalkeenna Somalia ayaa ka hadlay Warbixinta Dhaqaalaha Afrika iyo saameynta ay Somalia ku leedahay, isagoo Xusay in lasoo hadal Qaaday Xawaaladaha ka jira Somalia ee fududeeya dhaqaale badan oo soo gala Afrika iyo mid ka baxaba.

Kulankan Pan Afrika oo furmay 18-kii bishaan ayay xildhibaannada ka qaybgalaya waxay ku dhageysteen warbixnino ku saabsan ammaanka, dhaqaalaha, shaqo ka jirta Afrika iyo saboolnimada Qaaradda. Iyadoo kulammadu ay soo xirmi doonaan toddobaadka soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya