4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Rabshado khasaare geystay una dhexeeyay kooxo dhallinyaro ah oo Maanta Go'aan laga Gaaray


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Rabshado maalmihii aynu soo dhaafay u dhexeeyay kooxo dhallinyaro ah oo koonfurta iyo waqooyiga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool kala deggen ayaa lasoo Gunaanaday.

Rabshadahan oo Socday illaa iyo 18-kii bishaan ayaa Sababay Khasaare Dhaawacyo ah iyo hanti la baabi’iyay oo taallay goobo ganacsi.

Waxgarad iyo odayaal ka socda dhinacyada dhallinyaradani kasoo kala jeedaan ayaa isku af-gartay in lasoo af-jaro kaddib wadahadal ay isugu keeneen guddi nabadgalyada gobolka Sool ka shaqeeya iyo Waxgarad Magaalada Laascaanood.

Duqayda ayaa isku raacay in wixii khasaare ahaa ee dhacay labada dhinac ay dusha u ritaan wuxuu  dhinac walba geystay, waxayna isku raaceen in la sameeyo laba guddi oo kala ah guddi heshiis ka dhex-dhalisa dhallinyarada iyo guddi qiimeyn ku sameeya khasaarihii dhacay.

Taliyaha Booliiska Laascaanood, C/raxmaan Col-haye ayaa sheegay in hawshan ay tahay nabadgalyo-xumadii ugu xumayd ee Gobolka ka dhacda sannadkan, wuxuuna xusay inay hayaan dhamaan cidii ka qayb-qaadatay liiskooda ayna odayaasha ka war-sugayaan.

Rabshadahan ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa ee dhexmara dhallinyarada Laascaanood, iyadoo ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 10 ruux oo qaarkood ay ahaayeen dad ganacsi ku haystay goobaha rabshaduhu ka dhaceen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool