4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
SAWIRRO: Jaamacadda MUQDISHO oo Maanta lagu soo Bandhigay Daraasado Cilmibaaris ah

Sabti, May 23, 2015 (HOL) —Jaamacadda Muqdisho qaybteeda magaalada Booaaso waxa ka socda hawlaha lagu gaba-gabaynayo sanad jaamacadeedka 2014-2015 hawlahaas waxaa ka mid ah kuwo  lagu sagootinayo dufcadda sanadkan qalinjabinaysa oo ah tii 15aad ee wax ka barata Jaamacadda Muqdisho, campuska Bosaso ka ah dufcadii 4aad.

Laanta Puntland ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka dhacaya difaaca buugaagta ay qoreen ardayda qalinjabinaysa oo ka tirsan kuliyadaha waxbarashada, sharciga, qaanuunka, dhaqaalaha iyo maamulka.
 
Buugaagta ay soo bandhigeen ardaydu ayaa ah natiijada cilmi baaris la xiriirta xal u helidda mushkiladaha ka jira qaybaha  kala duwan ee nolosha  Soomaalida, sida xuquuqda carruurta iyo waxbariddooda, xuquuqda aadanaha, nidaamka sharciga, garsoorka iyo cadaaladda.

Waxa sidoo kale ardayda cilbaaris ku sameeyeen wax soosaarka, ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, ganacsiga, suuqgaynta iyo; xisaabaadka sharikadaha iyo hab maamulkooda, xiriirka caalamiga iyo; dublamasiyadda, maamul wanaaga iyo hogaanka, dawladnimida iyo wax qabadka  hay’adah dowlada, nidaamyada xogta iyo; sida loo maamulo, isgaarsiinta iyo la falgalka technologiyadda iyo ka faa’iidaysigeeda.

Doodaha iyo qiimaynta cilmibaarista waxaa ka qayb galy lix guddi oo takhasusyo kal duwan leh oo ka kala socday kuliyadaha jaamacadda iyo aqoonyahano kale.

Ardayda soo diyaarisay cilmi baaristan oo aad ugu faraxsan guusha ay ka gaareen hawshan ayaa sheegay in cilmi baarista xal loogu heli karo mashaakilka ragaadiyey Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen ardayda maamulada dawladda iyo hay’adah bulshada ee kala duwan in ay ka faaiidaystaan cilmi baarista ay tacliinta sare iyo ardayda jaamacaduhu  sanadkasta soo diyaariyaan.

Maamuka Jaamacadda Muqdisho ayaa hambalyo u direy dhammaan ardayda soo diyaarisay daraasadaha qalinjabinta, wuxuuna kula dar-daarmay in ay cilmibaarista sii joogteeyaan, talooyin wax ku ool ahna bulshada u soo bandhigaan, sidoo kale maamulku wuxuu u rajeynayaa ardeyda inay xaqiijiyaan daraasaadka sare ee masterka iyo PHD.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya