4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Wadahadalada u Socda Xukuumada Somaliland iyo Mucaaradka oo Weli la isku Mari la’yahay


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Wadahadallada u socda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ah iyo Xukuumadda oo is-araggiisii labaad uu maanta galinkii dambe ka dhacay Hargeysa, ayaa la isku mari waayey ajandayaasha lagaga doodayey oo ku saabsanaa muddo kordhinta golaha Guurtiddu u kordhiyeen xukuumadda.

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa Qaddo ku wada-qaatay Hoteel Ambasodor oo uu kulanku ka socda, isla markaana galinkii dambe ee maanta ka arrinsanaya sidii xal looga heli lahaa khilaafkaasi gaadhay beesha caalamka.

Dhinac waliba waxay dhankeeda usoo diyaar garowday wixii ay hor dhigi lahayd madasha, isla markaana xisbiyada mucaaradku ku adkaysanayeen in doorashadda laga dhigo waqtigii ay horay u Shaaciyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka, Halka Xukuumadana la sheegay inay ku doodaysay in go’aankii Golaha Guurtida uu yahay mid Dastuuri ah, Hase yeeshee khilaafka arrintaasi ka dhashay la iskaga soo dhowaado.

Labada dhan ayaa isku mari la’a qaabka loo soo af-jarayo khilaafkaas, iyadoo xukuumaddu ka cararayso inay beesha caalamku soo faro-galiso arrimahan, halka xisbiyada mucaaradka ay ku Adkaysanayaan in Gabi ahaanba la Laalo muddo Kordhintaasi Golaha Guurtida, isla markaaana doorashadda la qabto wakhtigii hore u cayimeen guddida Doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa mar sadaxaad  loo ballamay kulan kale si Wada-hadalku u sii socdo, waxaase adag rajadda laga qabo inuu wada hadalkaasi sii socdo, maadaama oo laba dhinac oo aad u kala durugsan la kala taagan yahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland