4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Xildhibaan Yuusuf Dirir oo Muqdisho ugu Geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Weerar ka dhacay Muqdisho


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa u Geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray weerar ay maanta kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ku qaadeen gaari ay la socdeen isaga iyo Mudane kale oo marayay Jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, iyadoo sidoo kalena uu geeriyooday darawalkoodii oo uu dhaawac soo gaaray.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanku uu u geeriyooday Dhaawicii maanta soo Gaaray, Wuxuuna Tilmaamay inuu xildhibaanku ahaa mas’uul Wadankiisa u soo shaqeeyay, isla markaana ahaa ruux ku hami-weyn inuu arko Somalia oo mideysan.

“Allaha u naxariistee marxuumku wuxuu ahaa nin Dalkiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayay inuu arko Somalia oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatay Bur-burkii iyo Colaadihii. Sidoo kale Wuxuu ahaa ruux si wanaagsan uga dhex-muuqday Baarlamaanka,’’ ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya ayaa tacsi u diray ehellada, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumka, isagoo tacsi taas la mid ahna u diray shacabka iyo xildhibaannada Soomaaliyeed ee uu ka mid ahaa.

Falkii loogu geystay dhaawaca uu xildhibaan Yuusuf Dirir u Geeriyooday ayaa Waxaa ku dhaawacmay Xildhibaab Cabdalla Boos Axmed, darawalkii gaariga iyo askargii ilaalada u ahaa ee la socday.

Waxaa kaloo isna dhaawac soo gaaray u geeriyooday darawalkii gaariga u waday, iyadoo lagu wado in lagu aaso berry Muqdisho, waxaana falkan cambaareeyay dowladda Somalia, wuxuuna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in  la billaabay baaritaan lagu raadinayo kooxihii weerarkan ka dambeeyay.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas'uul ka ahayd weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaanka geeriyooday iyo xildhibaan C/lla Boos Axmed, iyadoo lala dhaawacay darawalkoodii oo u geeriyooday isaguna dhaawicii soo gaaray iyo askari ilaalo u ahaa, iyadoo kooxihii geystay Weerarkan ay wateen gaari leh sumadaha Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee loo yaqaan Ambulance-yada, kuwaasoo weerarka kaddib baxsaday.

Ugu dambeyn, weerarka lagu dhaawacay xildhibaannada uu ka mid ahaa Yuusuf Dirir ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee Waddada Maka Al-Mukarama, Taasoo ah Waddo muhiim ah oo ay ilaalo ka hayaan ciidamada Dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya