4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Kooxo hubeysan oo Xildhibaanno Baarlamaanka Somalia ka Tirsan ku Dhaawacay Muqdisho


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari ay la socdeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya; iyagoo Dhaawacay laba Xildhibaan oo kala ah; Cabdalla Boos Axmed iyo Yuusuf Dirir Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in xildibaan Yuusuf Dirir uu dhaawac culus soo gaaray, halka C/lla Boos Axmed uu dhaawiciisu yahay mid fudud, iyadoo labada xildhibaan isla markiiba loo qaaday Isbitaal .

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa iska-horimaad muddo kooban socday la galay kooxaha hubeysan oo la sheegay inay baxsadeen, iyadoo rasaasta labada dhinac laga maqalayay deegaannada ku dhow Waddada Maka Al-Mukarama oo uu ka dhacay weerarka.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Dableyda Weerarkaan geystay ay wateen Gaari leh astaanta gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambulance-yada. Iyadoo ciidanka dowladda aysan u suurogelin inay qabtaan.

Weerarkan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee Muqdisho, iyadoo Xilligaas  laga soo baxay kulan uu lahaa baarlmaaanka Somalia, waxaana sidoo kale weerarkan isna lagu dhaawacay darawalkii u waday gaariga labadan xildhibaan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay Weerarka lala beegsaday Xildhibaannada la Dhaawacay, iyadoo weerarrada noocan oo kale ah ay inta badan sheegto Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, laba ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya ayaa iyagana saakay lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, labadan Ruux ee lagu lagu Toogtay Muqdisho ayaa lagu Weeraray gaari ay wateen, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen, welina hay’adaha Amniga Dowladda Somalia kama aysan hadlin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya