4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo loo Qaybiyay Codsi ka yimid Xukuumadda Somalia


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta loo Qaybiyay go’aan kasoo baxay golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, kaasoo ku saabsan xalinta xaaladda siyaasadeed ee Jubba ee ka dhashay mooshinka baarlamaanka Jubbaland ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka ayaa xildhibaannadii kulanka soo xaadiray hordhigay codsiga xukuumadda ka yimid oo ay baarlamaanka Soomaaliya kaga codsanayeen inuu muddo kooban hakiyo mooshinka laga keenay xubnaha baarlamaanka  maamulka Jubbaland.

“Waxaa Guddoonka Baarlamaanka soo gaaray Warqad ka timid ra’iisul wasaaraha Somalia oo xubnaha Golaha Shacabka codsanayo in la hakiyo mooshinka ka dhanka ah Jubbaland ee golaha hor-yaalla xaaladana lasoo baaro, isla markaana warbixin ka keenaan. Sidoo kale RW Sharma’arke wuxuu ii sheegay in muddo labo toddobaad ah la siiyo si ay war-bixin cad uga keenaan arrintan. Marka codka xukuumadda ayaa na horryaalla,” ayuu Jawaari ku  yiri hadal uu u jeediyay xildhibaannada.

Codsiga xukuumadda oo uu ku saxiixnaa Ra’iisul Wasaare Sharma'arke ayaa  ujeeddadiisu ahayd go’aan gole oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland, waxaana laga dalbaday baarlamaanka inay hakiyaan muddo kooban, iyadoo intaa kaddib ay xildhibaannadu ay cod geliyeen codsiga Ra’iisul Wasaaraha; laakiinse sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka qodobkiisa 28-aad Farqadiisa Saddexaad oo faraysa guddoonka golaha inuu hubiyo tirada Xildhibaannada goob-jooga ah ka hor inta aan cod la qaadin; waxaana xildhibaannada ay noqotay tiradooda 130-xubnood.

“Xildhibaannada saaka shirka yimid waxay ahaayeen 158-xildhibaan, hase yeeshee hadda waa 130-xildhibaan oo keliya, Sidaa daraadeed cod lama qaadi karo, arrintanna waa arrin u baahan deggenaasho, annaga kama boodi karno xeer-hoosaadka, marka fadhiga xiga ayay noqonaysaa in cod loo qaado, shirkana wuu noo xiranyahay, ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa kulanka ka sheegay inaysan isagu lahayn magacyada lagu sameeyay baraha ay bulshadu iskula xiriirto ee kala ah Facebook iyo Twitter, uuna shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaannadu aysan ku qaldamin barahaas.

“Anigu ma lihi cinwaannada lagu sameystay oo lagu qorayo af-lagaadooyinka. Waxaan cadeynayaa inaanan lahayn baraha bulshada ee magacayga lagu qoray, Xog-hayeennada ayaana la wadaagay in arrintan dacwad ka gudbiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Jawaari.

Ugu dambeyn, codka xukuumadda Somalia ay maanta u gudbisay Baarlamaanka Somalia ee ku aaddan mooshinka laga keenay Baarlmaaanka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli uu maamulka Jubba uu maanta ku hanjabay in haddii mooshinkaas lasii wado ay xiriirka u jarayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya