4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo Sheegay in Al-shabaab ay ka Qabsatay Xalay Afar Deegaan


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Afar deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa Waxaa Qabsaday Xoogag ka tirsan Al-shabaab sida uu Guddomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siiddii) u sheegay maanta Warbaahinta Dibadda iyo kuwa Gudaha.

Deegaannada ay Al-shabaab Qabsatay ayaa kala ah; Aw-dheegle, Daarusalaam, Mubaarak iyo Shaam, kaddib markii xalay ay weerarro culus xalay ku qaadday Al-shabaab, kuwaasoo socday illaa saakay Aroornimadii hore.

“Al-shabaab waxay xalay soo weerareen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, nasiib-darrana dagaalkaas Waxaa nooga Geeriyooday Sarkaal sare oo Millateriga Somalia ka tisran,” ayuu ku yiri C/qaadir Siiddii wareysiga uu siiyay Warbaahinta.

Sidoo kale, C/qaadir Siiddii ayaa sheegay in deegaannadaas ay gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, ayna ku guuleysteen inay dib uga saaraan Al-shabaab; isagoo xusay inay socdaal howlgallo looga saarayo deegaannada weli ku jira gacanta Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaannadaas ku nool oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur  ayaa u sheegay shabakadda shiinaha laga leeyahay ee Xinhua in dagaalladu ay billowdeen xalay 2:00 habeenimo ayna socdeen illaa saakay hiirtii waaberi.

“Waxaanu Maqalnay Daryanka Hubka Culus xilli aanu Hurdaynay, Dadka oo dhanna way awoodi waayeen inay guryahooda ka baxaan illaa dagaalladu uu iskiis ah u joogsaday goor hore oo saakay ah,” ayuu yiri Maxamuud Nuur.

Xarakada  Al-shabaab oo iyaduna dhankeeda ka hadashay weerarradii ay xalay ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay illaa hadda gacanta ku jiraan oo ay ka saareen ciidamadii dowladda Somalia.

Dhanka kale, Warbixin ay Al-shabaab soo saartay ayay ku sheegeen in ay Weerarkii ay ku dileen 24-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwo kalena ay dhaawacyo ku gaarsiiyeen, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkaan oo ahaa mid culus; balse wararka madaxa-bannaan ayaa sheegaya in tiro ka badan 10 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ay ku geeriyoodeen dagaalka.

Ugu dambeyn,  Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa qaybo ka tirsan Shabeellada Hoose, inkastoo ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa iskaashanaya sannadihii lasoo dhaafay ka saareen deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya