4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Barnaamij lagu soo nooleynayo ciyaaraha, fanka iyo dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Barnaamijkan oo lagu soo nooleynayo cayaaraha, dhaqanka iyo Fanka Soomaaliyeed ayaa lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo lagu Daah-furay Ciyaar ka mid ah kuwa kubadda kolayga ee gabdhaha, iyadoo ciyaartii ugu horeysay ay dhex-martay hor-yimid ama ay u dhaxaysay degmooyinka Hodon iyo Shibis oo ku cayaaray Garoonka Wiish ee degmada C/casiis.

Tartankan Kubadda Koleyga ah ee Gabdhaha ayaa waxaa ka qayb-galaya kooxo ka socda degmooyinka; Hodon, Shibis, Howlwadaag iyo Yaaqshiid, Waxaana kulankii ugu horreeyay isku arkay arkay Gabdho ka socda degmooyinka Hodon iyo Shibis oo ay guushu ku raacday Gabdhihii degmada Shibis ka socda oo 40-dhibcood helay, halka kuwii ka socda degmada Hodan ay la yimaadeen 30-dhibcood, iyadoo ay kulankii labaad yeesheen Gabdhaha Degmooyinka Hawlwadaag iyo Yaaqshiid.

Daawashada ciyaarahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Somalia, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada, Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Somalia, ku-simaha Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, Mas’uuliyiin ka socotay degmada C/casiis iyo kan xiriirka Kubadda Koleyga.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia, Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo halkaas ka Hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu soo Dhaweynayso Is-dhexgalka Dhallinyarada ee dhinaca cayaaraha oo wax badan ka tari doonta ka hor-tagga tahriibka, isticmaalka maan-dooriyaha iyo xag-jirnimada. isagoo guul u rajeeyay dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, bandhigan oo ay wadajir u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradaha Warfaafinta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya ayaa kulanka xigga midkan ku tartami doona degmooyinka Howl-wadaag iyo Yaaqshiid, taasoo ah ciyaar Barnaamijkan soo nooleynta ciyaarahan, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya