4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Xubno ka Tirsan Baarlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Maanta Gaaray Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Iyadoo wali si habsami ah leh uu uga soconayo Magaalada Beledweyne Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta iyo Aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa sii kordhaya wafuuda kala duwan ku biireysa madasha shirka.

Wafdi uu horkacayo xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax ayaa subaxnimadii hore ee saakay gaaray magaalada Beledweyne, waxaana wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif mas'uuliyiinta maamulka gobolka, xildhibaanno, siyaasiyiin,iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka.

Xubnaha wafdiga ayaa markiiba loo galbiyay madasha uu ka soconayo shirweynaha dib-u-hishiisiinta oo ay diyaar ku ahaayeen ergada beellaha shirka ku sugan, kuwaa oo halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga ka socday baarlamaanka iyo wasaarrada arrimaha gudaha.

Madaxa waaxda dib-u-hishiisiinta wasaarrada arrimaha gudaha Daahir Warsame Fiidoow [Aareey] oo wafdiga qeyb ka ahaa ayaa hadal uu ka jeediyay madasha shirka, waxaa uu ku sheegay in wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka si dhaw ula socto shirka, isaga oo intaa raaciyay in waajibaadka wasaarrada saaran uu yahay ka qeyb-galka shirarka noocaan oo kale ah meel kasta oo ay ka socdaan.

“Shirka waa shir dib-u-hishiisiin ah, waa shir wadd -tashi, waa shir aynu bogaadineynno  annaga waajibkeenu waxaa uu yahay mar walba ka qeyb-gallka shirka noocan oo kale ah, ayuu yiri Daahir Warsame Fiidoow.

Mas'uulka ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ayaa intaa ku darray in maalmaha soo socda iman doonaan mas'uuliyiinta ugu sareysa wasaarrada si ay idhahooda ugu arkaan howsha socta iyo is-abaabulka ka muuqda bulshada gobolka.

Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax oo hadal ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan shir-weynaha socda lana fariisan doonaan odayaasha, waxaana uu intaa ku darray in dowladda federaalka bogaadineyso sidda uu shirka u socdo.

“Ujeedada socdaalkeena waa inaynu qayb ka noqono shirka oo aan la fariisano odayaasha, arrimaha nabadeynta iyo wadda-tashigana  ku biirinno wixii aragti iyo fikirka ah ee nooga aadan,” ayuu yiri Xildhibaan Shuuriye.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Shirka inay ku Dadaalaan siddii ay shirka ugu soo darri lahayeen beellaha wali ka maqan.

Sidoo kale Waxaa madasha erayo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Mas'uuliyiin ka Tirsan  mamulka gobolka  Hiiraan, iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen xildhibaan C/nuur Xuseen Boodaaye, Cali C/llaahi Cosoble, Cilmi Faarax Wabi, iyo qaar ka mid ah ergada ka qeyb-qaadaneysa madasha shirka.

Shirka dib-u-hishiisiinta iyo Aayo ka talinta gobolka Hiiraan ayaa mudadii uu socday ku guuleystay in la dhameeyo khilaafka ilaa sadeed beellood oo ka mid ah beellaha shirka ka qeyb-qaadanaya, waxaana dhawaan la fillayaa in loo gudbo wajiga labaad oo noqonaya kan siyaasada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya