4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo Xalay lagu Dilay laba Qof oo Midkood uu ahaa Malaaq


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Degmada Baydhabo ayaa xalay lagu dilay laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa Malaaq caan ka ahaa oo lagu magacaabi jiray Mad-Sabarow oo muddo 50-sano ah ka shaqeynayay nabadeynta; halka kan kalena uu ruux shacab ah oo oran jiray Kalifowye lamana oga cidda falkaas dilka geysatay.

Baydhabo ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaa ka dhacay dilal loo nabaddoonnada, culamaa'uddiinka iyo Wax-garadka loo geysanayay, iyadoo illaa haatan aysan jirin cid loo soo qabtay dilalkaas iyo cid sheegatay, iyadoo magaalada ay joogaan Ciidammo ka socda AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xasan Aadan oo ka mid ah Aqoonyahannada gobolka Bay ayaa u sheegay War-baahinta inaysan wax laga xumaado tahay in habeen walba magaalada dilal aan kala sooc lahayn loogu geysto culummada iyo waxagaradka; taasoo uu mas’uuliyadeeda dusha uga saaray maamulka ka jira gobolka iyo kan degmada.

Dilalkan labada qof xalay loogu geystay degmada Baydhabo ayaa kusoo beegmaya iyadoo markii ugu Horreysay ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia ay ka Fulisay dil toogasho ah.

Hiiraan Online, Baydhabo