4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Booqday Xerada la dajiyay Qaxootiga kasoo Cararay Dalka Yemen

Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta kormeer ku tegey xerada loogu talo galay in la dejiyo qaxootig ka imaanaya dalka Yemen.

Madaxweynaha waxaa kormeerkan ku  weheliyey xubnaha guddiga loo saarey qaabilaadda qaxootiga, safiirka Yemen ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Wuxuu u kuur galay xaaladda qaxootiga isagoo la sheekeystey qaar kamid ah dadka halkaas ku jira kana waraystey xaaladdooda guud islamarkaana qayb qayb u tegey hoolalka xaradaasi ka kooban tahay.

Gaas oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa baaq u direy beesha caalamka iyo hay'adaha samafalka, wuxuuna ka codsaday inay taageero deg deg ah lasoo gaaraan qaxootiga oo sida uu tilmaamay marba marka ka dambeysa tiradoodu sii kordheyso culeys badanna ku haya Puntland.

Dowladda Federaalka ayuu baaq u direy isagoo ku boorriyey inay xil iska saarto u gurmashada qaxootiga. Madaxweynaha Puntland wuxuu ka digey in Dowladda Federaalku si khaldan u adeegsato deeqda beesha caalamku ugu talo gashay qaxootiga ka imaanaya Yemen ee ku sugan magaalada Boosaaso, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gaas ayaa sidoo kale booqdey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, halkaasoo uu si habasami leh uga socdo mashruuca lagu dhisayo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan oo shirkad Shiinaha laga leeyahay gacanta ku hayso.

Laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa magaalada Bosaso gaarey 5,900 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen. Badi dadkaas waxaa loo gudbiyey gobolladii ay markii hore ka tageen waxaase xilligan xerada qaabilaadda qaxootiga ku jira ku dhowaad kun qof oo u badan dumar iyo carruur.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya