4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
MADAXWEYNAHA: Sanadkan 2015-ka Waxaanu Xoogga Saaraynaa Kobcinta Dhaqaalaha Dalka


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in sannadkan 2015-ka uu yahay sannadkii soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, dowladduna ay ka go’an tahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Xasan Sheekh ayaa xusay in loo baahan yahay in Hantida Ganacsatada ee dhinaca Dibadda Dalka la geliyo si dhaqaaluhu dib ugu soo noolaado, isagoo xusay in haddii uu dhaqaaluhu dib u soo noolaado ay taasi horseed u noqon karto in dowladnimada Somalia la xoojiyo.

“Sanadka aan ku jirno iyo ka xiga waxaan muhiimada saaraynaa soo kabashada dhaqaalaha dalka. Dhaqaalaha ma soo kaban karo haddii aanan jirin hay’adihii maamuli lahaa. Bankiga dhexe ee dalka waa uu sii xoogaysanayaa, shaqada ay  Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya haysana maalin walba way sii xoogaysanaysaa, lacagta bankiyada ay qabanayaan ma ahan in ay meel iska dhigtaan waa in dalka lagu maal-geliyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in haddii dhaqaalaha dalka uu soo kabto ay taasi horseedi doonto in shacabka Soomaaliyeed ay ka caawinayaan in shaqooyin noloshooda ku xiran ay maareeyaan.

Hadalka madaxweyne Xasan ee ku aaddan dhaqaalaha dalka ayaa wuxuu u muuqdaa mid soo kabanaya taasoo kuu kuujinaysa in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda ay isku taageen inay dib u soo nooleeyaaan awoodda dhaqaale ee dalkeennu leeyahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya