4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Agaasimihii iyo Tafaftirihii Idaacadda DALJIR Xarunteeda Garoowe oo Xabsiga loo Taxaabay
Image
Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Agaasimihii iyo tafatirihii Idaacadda Daljir qaybteeda Garowe ayaa saaka xabsiga loo taxaabay.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa yimid xarunta idaacadda, waxayna horay u kaxaysteen Agaasime Cabdiraxmaan Xuseen Gaardi iyo Tifatire Jamaal Faarax Aadan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo xirey labadaas saxafi, balse qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda Daljir ayaa HOL u sheegay in xarigoodu la xiriiro barnaamij dood ah oo shalay idaacadda ka baxay.

Barnaamijkaas oo lagu gorfeeyey xaaladda ammaan iyo midda dhaqaale ee Puntland kaddib doorashadii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa marti ku ahaa gudoomiyihii ugu horreeyey baarlammaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid iyo Siciid Nuur Geedi oo isna ah mas'uul horay xilal uga soo qabtey Puntland.

Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa cambaareeyey falkan, waxaana socda dadaallo ku aaddan sidii labadaas wariye dib xoriyaddooda loogu soo celin lahaa.

Xarigga agaasimaha iyo tifatiraha Daljir Garowe ayaa kusoo aadaya afar maalmood kaddib markii Puntland muddo kooban shaqada ka joojisey Telefishinka Qaranka SNTV.

Waxaa xusid mudan, in ballanqaadyadii uu sameeyey Madaxweyne Gaas markii la doortey ay qayb ka ahayd inuu ilaalin doono xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya