4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Dagaallo Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab oo ku Dhexmaray Shabeellada Hoose


Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay illaa saaka waabarigii ku dagaalamayay degmooyinka Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo toddobaadkii hore ay Al-shabaab gacanta ku haysay muddo kooban.

Dagaalkan bilowday xalay saqdii dhexe ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay si toos ah ku weerartay saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya deegaannadaas ku lahaayeen, iyadoo uu halkaas ka dhacay dagaal culus.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Al-shabaab ay u suuro-geli waday inay mar kale la wareegaan gacan ku haynta degmooyinkaas.

Saraakiil ka tirsan dowladda Somalia oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ee Weerarka soo Qaaday la iska Caabiyay, ayna iyagu weli Gacanta ku Hayaan Mubaarak iyo Awdheegle.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladan muddada saacadaha ah, socday; inkastoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan inay ku dhinteen 10-qof oo u badan dhinac-yadii dagaalamayay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Siidii ayaa dhawaan sheegay in dowladdu ay ciidammo xoogan geysay Awdheegle iyo Mubaarak oo ay toddobaadkii hore qabsadeen muddo kooban xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, deegaannadan ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamada AMISOM, kuwaas oo isaga baxay laba bilood ka hor, waxaana weerarradan ay qayb ka yihiin weerarrada ay Al-shbaaab la beegsanayso ciidamada dowladda  Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya