4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Toban Kun oo Arday oo maanta u Fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Iskuullada Puntland

Sabti, May 23, 2015 (HOL) — Dhammaan gobollada Puntland waxaa maanta abbaare 10:00 aroonimo ee saaka si rasmi ah uga bilowday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada 4-aad dugsi dhexe iyo 4-aad dugsiga sare.

Sanadkan waxaa imtixaanka u fariistey 10, 050 (toabn kun iyo konton) ardey oo isugu jira 6,427 wiil iyo 3,626 gabdhood. Fasalka siddeedaad waxaa imtixaanka gelaya 7, 235 halka fasalka labo iyo tobnaadna ay gelayaan 2, 818.

Dugsiga Bosaso Public Secondary xaflad ka dhacday, taas oo imtixaanka lagu daah furayey ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Madaxweynaha oo isagu imtixaanka si rasmi ah u furay ayaa ardayda u rajeeyey guul Ilaahna uga baryey in uu imtixaanka u fududeeyo, dhinaca kale madaxweynuhu wuxuu ardeyda kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii laban laabaan.

" aad iyo aad waxaa farxad iigu ah in aan idiin imaado, idinkalana qayb qaato maalintaan idinku wayn, taariikhdiinana meel fiican ka galaysa" Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas yiri, isagoo hadalkiisa ku daray. "Waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ka go'an tahay in Mustaqbalkiinnu sida idinka aad la doonay-saan uu noqdo.

Xaflad kale oo taas lamid ah ayaa iyaduna ka dhacday dugsiga Al-waaxa ee magaalada Garoowe, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakmiim Xaaji Cumar Camey iyo Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame.

Mudane Camey oo si kooban ardeyda ula hadlay, ayaa ugu hambalyeeyey heerka ay soo gaareen, isagoo ku boorriyey in looga baahan yahay in ay dadaalkooda halkaas kasii wadaan.

Ardayda ugu badan ayaa imtixaanka ku gelaya magaalada Boosaaso oo iyadu ah tan ugu dadka badan dhammaan gobollada Puntland islamarkaana ay ka furan yihiin dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe ee ugu badan Puntland.

Sanad dugsiyeedkii 2009/2010 ayey ahayd markii ugu horeysey ee Maamulka Puntland uu mideeyo imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dowladda hoos taga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku mideysan Dallada Waxbarashada Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PEN.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya