4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2015
Bam-gacmeed lagu weeraray Shacab Mudaaharaadyo ka dhigayay Magaalada Bujumbura
Sabti, May 23, 2015 (HOL) —Kooxaha weerarka fuliyay ayaa laba bam gacmeed ku tuuray dad aad u badan oo dhigayay dibadbax ka dhan ah Madaxweeynaha talada dalkaasi haya ee Pierre Nkurunziza, kaasoo doonaya in mar sexexaad loo doorto hogaanka dalkaasi.

Kumannaan qof oo kasoo horjeeda madaxweeynaha dalkaasi ayaa dibadbaxyo ka dhigayay caasimadda dalkaasi ee Bujunbura, iyadoo ay jireen isku dhacyo badan oo dhexmarayay dibadbaxayaasha iyo weliba ciidamada booliska dalkaasi.

Xasilooni darrada ka jirta dalkaasi ayaa sababtay in ku dhawaad 110,000 oo qof oo u dhalatay dalkaasi Brundi in ay u qaxaan dalalka ay deriska yihiin.

Taliye kuxigeenka booliska dalkaasi Brundi Godefroid Bizimana ayaa sheegay in kooxaha weerarka geeystay ay bam gacmeedka la eegteen goob ay dadku ku badnaayeen, isagoo sheegay in sedex qof ay ku dhimatay, halka tobonaan kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo.

“Kuwa weerarka geeystay waxay damacsanaayeen in ay dadka dibadbaxayaasha laayaan, maxaa yeelay waxay bambaanooyinka ku tureen goob ay ku sugnaayeen haween qudaarta iibiya , dad aad u badanna ay ku xoonsanaayeen,” ayuu Bizimana hadalkiisii raaciyay.

Qaxootiga ka cararaya dalkaasi ayaa sii kordhaya, iyadoo ku dhawaad 50,000 oo qaxooti ah ayaa u cararay dalka Tanzania ee ay deriska yihiin, iyadoo lagu soo waramayo in dadkaasi uu fara ba’an ku hayo cudurka daacuunka.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Daacuunka ayaa waxa uu ka dilaacay xerooyinka qaxootiga ee ay ku jiraan dadka kasoo barakacay Burundi, iyadoo lagu soo waramayo maalin kasta in cudurka laga helo 400 oo qof oo kiisas cusub oo daacuun ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.