4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Dagaallo Culus oo Ciidamada Dowladda Somalia iyo Al-shabaab ku Dhex-maraya Gobolka Bakool

Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Guddo oo degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ka tirsan, sida uu HOL u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow, Maxamed Cabdalla Xasan (Food-cadde).

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 15-qof oo ka tirsan dhinacyada uu u dhexeeyo Dagaalka, iyadoo dhaawacyo intaas ka badnana ay ka dhasheen, iyadoo la soo sheegayo in weli dagaalku uu socdo.

Tiyeeglow ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay Al-shabaab go’doomisay ee ka tirsan gobolka Bakool, waxaana ka mid ah; Waajid , Xudur iyo Rabdhuure iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ee gobolka bay ayaa waxaa Maanta dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aaadan oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa gobolka Shabeellada Hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweey wasiirro iyo mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed Somalia.

Hiiraan Online, Baydhabo