4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Uganda oo Dil & Dhaawac u geystay Dad Shacab ah Isna is-dilay


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Uganda ayaa Degmada Kaabong ee dalka Uganda ku dilay habeenimadii Khamiista ahayd Afar qof oo shacab ah, isagoo markii dambena is-dilay.

Ciidamada dalka Uganda ayaa Xaqiijiyay in Sarkaal ka tirsan Ciidamadooda uu dilay Afar ruux oo shacab ah, isla markaana uu dhaawacay toddobo qof oo kale, ka hor intii uusan is-dilin. Iyagoo sheegay in falkan uu ka dhacay deegaan ku yaalla Waqooyiga Uganda.

Ma aysan sheegin saraakiisha ciidamada ka tirsan sababta keentay in sarkaalkan uu dilkan geysto, iyadoo falkan ay walaac xooggan ka muujiyeen shacabka dalkaas ku nool.

Dalka Uganda Waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay falal noocan oo kale ah. Kuwaasoo ka dhacay baararka dalkaas ku yaalla, waxaana falkii ugu horreeyay uu dhacay sanadkii 2013-kii, kaddib markii sarkaal ciidamada ka tirsan uu dilay 10 ruux oo rayid ah. Waxaana lagu xukumay sarkaalkaas 90-sano oo xabsi ah.

Xukuumadda Uganda ayaa Waxaa lagu eedeeyay in aysan Ciidamadeeda siin La-talin ku filan, marka ay kasoo laabtaan dalalka ay dagaalada ka dhacaan oo ay howlgallo ugu dirto dowladdooda.

Uganda ayaa waxay ciidammo kaga sugan yihiin dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan, DR Congo iyo Jamhuuriyada Afrika dhexe, kuwaasoo sannado ku sugnaa waddamadaas oo ay colaado ka socdaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya