4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Wasiirka Difaaca Somalia iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kormeeray xeryo ciidan (SAWIRRO)


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo madax ka tirsan Jubba oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqday ku tagay deegaanno laga sameynayo xero ay ciidamadu tababar, taasoo aan fogeyn Kismaayo.

Col, Badri Sheekh Ismaciil oo ku hadlayay magaca ciidamada Dowladda Somalia ee laga soo Xareeyay Deegaanka Goob-weyn ayaa Sheegay inay ku Faraxsan yihiin Booqashada Wasiirka Difaaca Somalia uu maanta ugu yimid iyo qorshaha ku aaddan dhismaha ciidamo Qaran oo isku-dhafan.

“Waanu soo dhawenynaynaa dadaalka lagu mideynayo ciidamada Soomaaliya oo ah mid loo baahan yahay, maxaa yeelay dalkeenna ciidan Qaran oo khibrad leh ayuu u baahan yahay oo aan midab gaar ah lahayn,” ayuu yiri Col. Badri Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Jen. Fartaag ayaa isaguna sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan dadaalka lagu dhisayo ciidammo Qaran oo uu dalku yeesho, isagoo ciidamada ay booqdeen ugu baaqay inay u dhego-nuglaadaan howsha lagu dhisayo ciidanka Qaran.

Jen. C/qaadir Diino oo isna hadal u jeediyay cidamada dowladda Soomaaliya ee Xerada ku sugnaa ayaa ku sheegay inay muujiyeen dulqaad badan iyo dhabar-adeyg, isla markaana ay dowladda Somalia ka war hayso ciidanka meel walba oo ay joogaan.

“Dal wuxuu ku dhismo waa hadba ciidamada uu leeyahay, sidaas Awgeed waxaan go’aan-sannay inaan sameyno barnaamij aan ugu magic-darnay – Isku-dhafka ciidamada Qaranka - oo aan hubno inuu Fure u noqon doono meesha aan u socono ee ah in la helo Ciidammo Qaran,” ayuu yiri Jen. Diini

Isagoo intaas ku daray. “Dhalinyarada waa xoogga dalka, waxaana la gudboon inay ka mid Ciidanka Qaranka si looga guuleysto Al-shabaab, sidaas daraadeed, waxaan idiin diyaarin doonaa inaad Ciidan Qaran oo aan hal beel ahayn noqotaan, kuwii aan ciidan noqon karina aan xirfad ay ku shaqeystaan u sameyno.”

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga Somalia wuxuu socdaalkiisa maanta kusoo Af-meeray ciidan ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasoo tababar ahaan loogu wado Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan aqoonta loo wado iyo fursada ay u haystaan inay dalkooda difaacaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya