4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Al-shabaab oo Calankooda ka Taagay deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Xoogag Taabacsan Al-shabaab ayaa xalay gadaha u galay deegaanno ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Halkaasoo ay ka taageen calanka Madow ee ay caanka ku yihiin.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Mwenda Njoka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ka tirsan ay soo galeen deegaanno ay ka mid yihiin; Yumbis  iyo Welmarer oo ka tirsan deegaanka Faafi, ayna isku dayeen inay Suraan calankooda, balse ciidamada Kenya ay ka hortageen oo ay fashiliyeen isku-daygaas.

Sidoo kale, Njoka ayaa Sheegay in Millateriga Kenya iyo Al-shabaab uu ku Dhex-maray dagaal culus deegaankaas, balse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhacay iska-horimaadka dhexmaray Al-shabaab iyo Millateriga Kenya.

“Ciidamada Kenya ayaa ka hor-tagay weerar ay Al-shabaab 6:30 maqribnimo ee xalay ku soo qaadeen deegaannada Yumbis iyo Welmarer oo Faafi ka tirsan, kuwaasoo wajiyada ay u xirnaayeen,” ayuu yiri Njoka.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada Yumbis iyo Welmarer ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay ku guuleysatay inay calankooda suraan deegaannadooda, inkastoo muddo kaddib ay isaga baxeen.

Mwenda Njoka ayaa sidoo kale ku boorriyay Hay’adaha Sirdoonka Kenya inay Xoojiyaan howlgallada looga Hor-tagayo kooxaha Taabacsan Al-shabaab ee Dalka Kenya soo galaya, kuwaasoo uu sheegay in Qaarkood ay dadka Shacabka ah ku Dhex-dhuumanayaan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu hoggaaminayo Maxamed Kano - Gamcma-dheere ay soo galeen deegaanka Ijaara oo ka tirsan magaalada Gaarisa, iyagoo muxaadaro ka jeediya majidka deegaankaas.  

Sh. Maxamed Gama-dheere oo Kenya looga yaqaanno KANU ay Xukuumadda Kenya ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii horraantii bishii Abriil ee lasoo dhaafay ay Al-shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay 148-qof ku dileen.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab oo iyaduna ka Hadashay Weerarkan ayaa Sheegtay inay ku Sugnaayeen Xoogaggooda Qabsaday Deegaannadaas muddo sideed saacadood ah ayna ka saareen ciidamadii booliiska Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya