4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Dibadbaxyo weli ka socda Magaalada Bujumbura iyo Booliiska oo Dilal iyo Dhaawacyo Geystay


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Boqollaal Mudaaharadayaal ah ayaa maanta oo Jimco ah isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura, kuwaasoo kasoo horjeeda qorshaha uu mar saddexaad uga qaybgalayo doorashada madaxnimo ee dalkasa.

Dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa lagu dilay laba qof oo shacab ah, iyadoo sideed kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegtay ururka bisha cas ee Burundi, iyadoo ay weli sii socdaan dibadbaxyadii illaa bishii hore ka socday Bujumbura.

Aroornimadii hore ee Maanta ayay dibadbaxyadu ka billowdeen deegaanka Cibitoke oo ku dhow Caasimadda, iyadoo wararku ay sheegayaan in rasaas aad u xooggan laga maqlayay, iyadoo sidoo kalena deegaanka Mutakura ay iyadana dibadbaxyo ka dhacayeen.

“Waxaanu doonaynaa inaan dadka oo dhan mideyno, waana taas sababta aanu ugu fidinnay Dibad-baxyadeenna deegaannada ku dhow caasimadda,” ayuu yiri ruux ka mid ah dibad-baxayaasha isugu soo baxay caasimadda.

Ciidamada booliiska Burundi ayaa koox wariyeyaal ah u diiday inay galaan Musaga oo ay kasocdeen rabshado u dhexeeya dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka dalkaas. “Tani waa uu ammaankaagu ku jiri,” ayuu yiri wariye Wakaaladda AFP ka tirsan oo ciidamadu ay u diideen inuu galo deegaankan.

Sidoo kale, dibadbaxayaal la hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay in ciidamo booliis ah lasoo dhoobay waddooyinka, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo doonaya inay argagax-geliyaan mudaaharaadayaasha.

Mucaaradka Burundi iyo Bulshada Rayidka ah ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza inuu doonayo inuu mar saddexaad doorashada madaxnimo ee dalkaas ka qayb-galo taasoo ay ku sheegeen tan keentay inay dhigaan dibdbaxyo aan kala go’a lahayn.

Dhanka kale, Afar ka mid ah Idaacadaha Madaxa-bannaan ee Burundi ayaa la Weeraray, dabadeedna la xiray, kaddib markii lagu eedeeyay inay Taageereen Kooxihii Af-gambigii dhicisoobay ka sameeyay dalkaas Toddobaadkii hore.

Ugu dambeyn, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa Sheegtay in 110,000 qof ay ka barakaceen deggenaasho la’aanta ka taagan dalka Burundi, kuwaasoo la sheegay in xeryihii ay degeen uu ka dillaacay cudurka daacuunka, kaasoo dilay tiro dad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya