4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Madaxweyne Gaas oo Maanta Dhagax-dhigay Waddo Isku Xiraysa Ceel-daahir iyo Ceer-gaabo


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo booqasho dhulka ah ku maraya deegaano ka tirsan Puntland ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonta Deegaanka Ceel-daahir oo Puntland ka tirsan iyo degmada Ceeri-gaabo ee Somaliland.

Inta badan Golaha Wasiirada Puntland, Maamulka Gobolka Bari & kan degmada Boosaaso ayaa ka soo qayb-galay munaasabadda dhagax–dhigga jidkan, xilli amniga goobta dhagax dhiggu uu ahaa mid si aad ah loo adkeeyay.

“Waxaan aad ugu dadaalaynaa inaan mashruucan sidii loogu talo-galay uu u Hir-gelo, dad badan ayaa iswaydiinaya sida Puntland u dhisi karto waddo 220-KM ah, mase awoodaan inay dhisaan “ ayuu yiri madaxweynaha oo hadal kooban warbaahinta siiyay.

“Intii ay doonto hanagu qaadato,waa ay  naga go’an tahay in wadadan ay hirgasho, waxaa muhiimad gaar noo leh kaabayaasha dhaqaalaha,mudadii koobnayd ee aan joognay wax badan ayaa noo hirgalay “ ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Bari oo iyaguna ka hadlay Madasha Dhagax–dhigga ayaa iyagana sheegay in mashruucan uu muddo soo socday ,isla markaana bulshada looga baahan-yahay in ay ka qayb-qaataan ,waxaana dhawaantan dhismaha wadadan $ 10,000 ugu deeqay boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka beelaha Daarood.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigga ka dib u sii gudbay degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo uu sii joogi doono muddo maalmo ah, waxaana uu shalay kulamo la qaatay qaar kamid ah waxgaradka degmada Qardho oo uu booqday.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]