4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar & Wafdi uu Hoggaaminayo oo soo Gaaray Muqdisho


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar iyo wafdi ballaaran oo uu uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo waddooyinka caasimadda qaarkood loo xiray imaanshaha wafdigan.

Khaalid Bin Maxamed Al-Attiyah iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Somalia iyadoo wararku ay sheegayaan in kulammo uu la qaadan doono madaxda dalka.

Inkastoo aan la sheegin mudada uu Muqdisho ku sugnaanayo ayaa haddana waxaa haddana Saraakiisha Dowladda Somalia ay sheegeen in Wafdigaan ay kulammo la qaadanayaan inta ay joogaan Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa waxay caawisaa Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena kaalmeysa qaar ka mid ah agoonta ku nool Muqdisho, waxaana howshan u haya haya’d lagu magacaabo Qatar Charity oo ah hay’ado samafal oo Qatar laga leeyahay.

Wixii kusoo kordha warkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL hadii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya