4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2015
Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida oo Al-shabaab ku booriyay inay Dilaan Madaxweynaha Uganda


Jimco, May 22, 2015 (HOL) — Qoraal ka mid ah Dukumiintiyadii laga Helay Gurigii uu deggenaa hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usaama Bin Laden ayaa laga helay qoraal ku saabsan in Bin Laden uu Al-shabaab ugu baaqay ka hore inay dilaan madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Qoraalkan ayaa la sheegay in Usama Bin Laden uu sannadkii 2010-kii warqad u diray Al-shababta Somalia, isagoo amar ku siiyay inay fuliyaan dilka hoggaamiyaha dalka Uganda oo dalkiisu ay ciidammo ka tirsan AMIISOM kaga sugan yihiin Somalia.

“Waxaan idinku boorrinayaa inaad qaadaan taallaabo walba oo aad ku dili kartaan madax-weynaha Uganda, Yoweri Museveni oo caqabadku ah howlgalkiinna,” ayuu ku yiri Bin Laden qoraalkiisa.

Sidoo kale, warbixinta ayaa intaas ku daraysa in sababta dilka Moseveni ay tahay si loogu aargudo dadka ay ciidamadiisu ku lahaynayaan Somalia gaar ahaan Muqdisho iyadoo la xusay in meesha ugu weyn ee ay dadka ku laayaan ay tahay Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo ay ka talinaysay Al-shabaab.

“Walaalaha Mujaahidiinta Somalia waa inay uga aar-gudaan Uganda muslimiinta ay ku laayeen Soomaaliya, iyagoo bartilmaameedsanaya hoggaamiyahooda Museveni, taasoo billow u ah fashilka howlgalka AMISOM,” ayaa lagu ayuu Bin Laden ku yiri qoraalkiisa.

Dhanka kale, qoraalka Bin Laden oo ku socday Hoggaamiyihii la dilay ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayuu kaga dalbaday inuu Geeska Afrika ka hirgeliyo dowlad Islaami ah; taasoo ka shaqaysa hirgalinta shareecadda Islaamka.

Bin Laden ayaa sidoo kale warbixintiisa ku xusay in Ahlusunna Waljamaaca oo Xoogagga Al-shabaab kula dagaalantay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya inay yihiin aalad ay kooxo cadow ah adeegsanayaan si loo burburiyo afkaarta Al-Qaacida.

Ugu dambeyn, Uganda ayaa waxaa ciidammo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-dii, iyadoo ay kusoo biireen ciidammo kale oo ka socda dalal ay ka mid yihiin; Burundi, Kenya,  Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasoo ku howlgala magaca AMISOM.

Xarakada Al-shabaab ayaa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ku biirtay ururka Al-Qaacida sannadkii 2012-kii, iyadoo tan iyo xilligaas uu xiriir adag ka dhexeeyay, iyadoo Al-shabaab ay xilliga u muuqato mid luminaysa awooddii ay ku lahayd dhul badan oo Koonfurta Soomaaliya ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya