4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Saynisyahano sheegay inuu dhibaato leeyahay kaniiniga Xanuunka baabi’iya ee Paracetamol-ka


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Saynisyahannada Jaamacadda Edinburgh ayaa ogaaday in xanuun baabi'iyaha uu kala joojinayo hormoonka taranka ragannimo marka la qaato tod-dobo maalmood. Hormoonkan ayaa ah furaha korista xubnaha taranka ee labka.

Adeegga Caafimaadka UK ee NHS ayaa kula talisay Haweenka uurka leh inay qaataan oo kaliya Paracetamol-ka marka ay tahay lagama maarmaan, iyadoo waqtiga ugu yar la qaadanayo. Qof kasta ee u baahan daaweyn muddo dheer waa inuu helo talo caafimaad.

Hay'adda UK ee la socota qaynuunka daawada iyo caafimaadka ayaa sheegtay inuu ka mid yahay Paracetamol-ka xanuun baabbi'yayaasha tirada yar oo badi loo arko ammaan marka ay hooyooyinku qaataan.

Tusaale ahaan, baaris ay sameeyeen Danish-ka ayaa lagu Ogaaday in Haweenka Xanuun baabi'yahaya qaata ay aad ugu dhow yihiin inay dhalaan wiilal xaniin-yahoodu uu kor jiro, waxayna taasi keeni kartaa dhibaatooyin mustaqbalka oo la xiriira taranka.

Si loo ogaado waxa ka dambeeya xiriirkan ayey Saynisyahannada sameeyeen qaab aad ugu dhow xaaladaha uurka bani'aadamka. Jiir ayaa lagu beeray minka bani'aadamka kaddibna todobo maalmood ayaa la siiyay Paracetamol. Aad ayuu hoos ugu dhacay hormoonkiisa raganimo marka loo fiiriyo kuwa la siiyay daawada beenta ah, balse markii ay maalin qaateen ayeysan saameyn ku yeelan.

Madaxa baarista, Dr. Rod Mitcheal, ayaa sheegay in daraasadda ay xoojineyso cadeyntii jirtay ee isticmaalka dheer Paracetamol-ka oo xilliga uurka kordhisa qatarta dhibaatada taranka carruurta labka ah.

Wuxuuna sheegay dhakhtarku in baaristan ay la xiriirto oo kaliya Paracetamol-ka oo dhowr jeer la isticmaalo.

Baarayaasha ayaa taxadar ka muujiyay inay weli deg-deg tahay in la sheego xadka baarista la helay iyo sida bani'aadamka loogu adeegsan karo, balse waxay ay tahay muhiimadda in baaris lagu sameeyo haweenka uurka leh aysan suurgal aheyn.

Si oo ay tahay, Qaybta Caafimaadka carruurta ee Royal College ayaa xustay in Kaniinka Paracetamol-ka uu Daaweyn muhiim ah yahay oo aan la iska-dhaafi karin, Waxayna ku Taliyeen in taxadar laga muujiyo baarista.

Baarista ayaa lagu daabacay Wargeyska 'Science Translational Medicine'.

Xigasho: BBC Somali