4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Muqdisho oo Maanta xarigga looga jaray Premier Bank oo ah bangi cusub oo caalami ah (Sawirro)


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo Caalami ah oo aan Dalka horay looga heli jirin. Xafladda furitaanka xafladdan ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee  Soomaaliya, Wasiir-u-dawlaha Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Premiere Bank Wuxuu keenay Adeegyo Caalami ah sida MasterCard iyo SWIFT oo lagu maareeyo Lacagaha Dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Adeegyadaan ayaa Noqonaya kuwii ugu horreeyay oo dalka la keeno.

Maamulaha Premiere Bank, Mahad Maxamed Axmed ayaa yiri. “Bangigu wuxuu ku qabaa kalsooni mustaqbalka Somalia iyo in Premier Bank kaalin udub-dhexaad ah ka qaadan karo dib u dhiska iyo soo kabashada dhaqaalaha Somalia, taasoo lagu gaaari karo keenista dalka la keenayo adeegyo Banki oo casri ah, taasna waa tan aanu u keenay dalka adeega Master-Card oo adduunka oo idil lacag loogala bixi karo iyo adeegga SWIFT-ga oo isna sahlaya in lacag lagu soo diri karo, loogana diri karo Soomaaliya si aan bulshadeenna Soomaaliyeed ugu xirno shabakadahaas dhaqaale ee caalamiga ah.”

Sidoo  kale, Wasiirka Maaliyada Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo isagoo isticmaalaya kaarkiisa MasterCard ee uu kala yimid dalka dibaddiisa ayaa lacag kala baxay Bangigan, isagoo xusay in adeegga uu soo kordhiyay Premiere uu yahay mid ay shacabka Somalia ku nool u qabeen baahi weyn.

“Bangigan waa mid isku xiraya Somalia iyo caalamka intiisa kale, wuxuuna ku guuleystay inuu Dalka keeno adeegyo horay uga maqnaa, sida aad Aragteen hadda MasterCard la iga soo siiyay Australia ayaan lacag ugala baxay halkan, taasi waxay idin tusinaysaa in wax weyn la qabtay,” ayuu yiri wasiir Fargeeti.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Furtay Bangigan; kaasoo Waafaqsan Shareecada Islaamka iyo adeegyo kale oo ay ku jirto xisaab si gooni ah loogu asteeyay dumarka oo loo yaqaan MAANDEEQ.

“Bangigan casriga ah wuxuu muujinayaa in bangiyadu dalka ka jira ay horumaro sii sameynayaan. Arrin aan bangiyada ku badnayn ayaan ku arkaa bangigan taasoo ah inay kala soocan yihiin maamulka iyo milkiilayaasha …. Taasina waa Xikmad, Caqli ku dhisan, waana hab casri ah oo sidii la rabay ah,” ayuu yiri Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, Bashiir Ciise Cali oo xafladda ka hadlay.

Waxaa kaloo isna xafladda ka hadlay Duqa Muqdisho, Xasan Muun-gaab oo sheegay in Bangigaan uu Tusaale u yahay is-bedellada ay magaalada Muqdisho ka Gaareyso dhanka horumarka; isagoo yiri. “Waa talaabo kale oo horumarineed oo Muqdisho ku soo korortay. Premier Bank waxaan leeyahay hambalyo… Arrintaas mid kulligeen na tusaysa in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku dhiirradeen inay dalkooda Hooyo ku sameystaan maal-gashi.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Premiere Bank, Jirbil Xassan Maxamed isaguna xafladda ka yiri. “Banigan waa Bangi ay Ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin… Waxaanan rabaa inaan dadka u sheego in bangigan uusan u dhisnayn inuu shacabka lacag la sameeyo ee ay tahay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada soo martay ee habka dhaqaale ee Adduunka laga gooyay inaan ku soo celinno. Ujeedkeenuna waa in wixii aan dadka ka qaadno dib ugu celinno.”

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Bangigan la furay tallaabo kale oo dalku dhinaca horumarka u qaaday, isagoo adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay bangigan ku tilmaamay kuwo dhiirri-galiyay ganacsatada dalka inay ka qayb-qaataan maal-gelinta dalka.

“Bangigan waa mid qiimo dheeri ah leh oo kusoo biiray dadaalladii waayadii dambe dalka ka socday. Runtii waa wax ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay ku faanto,” ayuu xaflada ka yiri Xasan Sheekh oo ku amaanay Maamulka Premiere Bank Adeegga ay Dalka kusoo kordhiyeen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyay inay adeegsadaan bangiyada noocaan oo kale ah. Isagoo yiri. “Waxaan ku dhiirri-gelinay-naa ganacsatada Soomaaliyeed inay adeegsadaan bangiyada noocan oo kale ah. Bankigan iyo kuwa la mid ah ee bixin kara adeegyada inay isticmaalaan oo ay ku dhaqmaan.”

Premier Bank waa bangi islaami ah oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana ruqsad ka haysta bankiga dhexe ee Somalia, isla markaana dalka kusoo kordhiyay adeegyo ay ugu muhiimsan yihiin MasterCard oo markii ugu horreysay tariikhda la keenay oo ah maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo SWIFT lacago meel kasta loogu dirsan karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya