4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Xaflad Qalin-jabin ah oo Maanta lagu Qabtay Xarunta Jaamacadda Baladweyne [SAWIRRO]


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Munaasabad si Qurux Badan loosoo Agaasimay oo ay ku Qalin-jabinayeen 67 Arday ayaa maanta lagu Qabtay Xarunta Beledwein Universitay ee magaalada Beledweyne.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb-gallay dhamaan bahda waxbarashada gobolka, xubno ka socday maamulka, saraakiisha ciidammada AMISOM, waalidiin, arday, iyo marti-sharaf kale oo lagu marti-qaaday ka qeyb-gallka munaasabada.

Guddoomiyaha Beledwein University [BU] Max'ed Aadan Xaadoow oo Munaasabadda ka jeediyay hadal ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacaddu soo mar-tay iyo kuliyadaha ay ka qalin-jabiyeen ardeyda maanta Jahaadada la guddoonsiyay.

''Ardeyda maanta halkan ku qalin-jabisay waa 67 ardey oo isugu jira 52 wiil iyo 15 gabdhood, waxaana ay ka qalin-jabiyeen kuliyadaha kala ah, Shareecada, Nursing, IT, iyo BA, waana dufcadii labaad ee ka baxday Jaamacada ayuu yiri'' Max'ed Aadan Xaadoole.

Maxamed Muuse Balcad oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha Jamaacada ayaa ku amaanay ardeyda qalin-jabisay dadaalka dheeraadka ah oo ay muujiyeen iyo sidda ay ugu dhabar adeygeen waqtigii adkaa iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray mudadii ay waxbarashada ku jireen.

Ardeyda maanta ka qalin-jabisay Jaamacada Beledwein, ayaa iyaga oo faraxsan socod dheer ku maray bartamaha magaalada xili ay daawanayeen dadweyne kala duwan oo isugu soo baxay hareeraha wadada.

Mid ka mid ah ardeyda oo la HOL ayaa sheegay in muddo dheer uu sugayay in maanta oo kale ay soo marto, isaga oo intaa ku darray in Jaamacada BU fursad u siiyay isaga iyo ardeyda kale ee saaxiibadiisa ah in ay waxbartaan, iyaga oo aan meel kale u safrin.

Xubnihii ka socda bahda waxbarashada gobolka, ee ka hadllay munaasabada ayaa ku amaanay Jaamacada Beledwein in ay tahay Jaamacadihii ugu horeysay ee laga her-galiyo gobolka, waxaana ay sidoo kale hambalyeeyeen ardeyda qalin-jabisay.

Jaamacadda Baladweyne ayaa la furay sanadkii 2009-kii, waana Jaamacadihii ugu horeysay ee laga her-galiyo gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya