4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Ciidammo ka tirsan Booliska Somalia oo Maanta Tababar loogu soo Xiray Jabuuti (SAWIRRO)


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa booliska Somalia ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Jabuuti, iyadoo munaasabaddii xirtaanka tababarkan ay ka qayb-galeen wasiirro ka kala socda dalalka Somalia iyo Jabuuti, waxaana ciidamadan ay tababar qaadanayeen muddo saddex bilood ah.

Xubnihii dhanka Somalia uga qaybgalay Munaasabadda ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa; wasiirka Amniga Gudaha, kan cadaalladda, taliyaha booliiska, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Iyadoo dhanka Jabuutina ay ka sodeen xubno ay ka mid ahaayeen; wasiirka gaashaandhigga ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha. Waxaa kaloo ka qaybgalay taliyaha ciidamada Talyaaniga ee Jabuuti ku sugan, Jen. Tullio Del Sette iyo madax kale oo xafladda goobjoog ka ahaa.

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay saraakiil Talyaani ah, iyadoo lagu sheegay inu ahaa mid lagu xoojinayo Awoodda ciidamada Booliiska Somalia, sida Qqoonta Saraakiisha iyo sidii ay Shacabka ula dhaqmi lahaayeen.

Khudbad uu xafladdad ka jeediyay taliyaha booliiska Somalia Jen. Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayuu ku sheegay in tallaabadan ay tahay mid sare loogu qaadayo aqoonta guud ee ciidamada booliiska Somalia, isagoo u mahadceliyay saraakiishii bixiyay tababarkan.

Sidoo kale, Jen. Xaamud ayaa u sheegay Askartii Tababarka Dhameysatay inay u Adeegan dalkooda; iyagoo dabaqaya waxyaabihii ay tababarkan ku qaateen, si ay soo celinta amniga dalka uga qaybaataan.

Ugu dambeyn, Ciidamada Booliiska Somalia ee la Tababaray ayaa la Filayaa inay kusoo laabtaan dhawaan dalka, si ay uga qeyb-qaatan howlaha ammaanka lagu sugayo, sida uu sheegay taliyaha booliiska Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya