4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Kooxo Hubeysan oo Nabadoon caan ahaa Maanta ku dilay Xarunta Jubbada Hoose ee Kismaayo
Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Kooxo dableey hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa saaka aroortii toogasho ku dilay AUN Nabadoon Maxamuud Xasan Dhogor oo kamid ahaa odoyaasha dhaqanka degmada Kismaayo.

Goobjoogeyaal ka agdhawaa halkii uu dilka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in sedex nin oo baastoolad ku hubeeysan in ay marxuumka ku toogteen afaafka hore ee mid kamid ah hoteellada ku yaal magaalada Kismaayo, iyadoo marxuumka la toogtay uu daqiiqado kahor kasoo baxay salaadda subax oo uu ku tukaday masjid aan ka fogeyn halka uu dilku ka dhacay.

Kooxihii dilka geeysatay ayaa durba goobta isaga baxsaday, waxaana soconayo baaritaanno ay wadaan ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo laga shakisanyahay.

Wasiirka arimaha bulsahda iyo waxbarashada Jubbaland Macalim Max'ed Ibraahim oo hadal ka jeediyay aaskii Marxuumka ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin muuqda oo lagu soo qabanayo kooxo uu sheegay in ay ku dhex dhuuntaan bulshada.

"Ma fiirsan doonno, umana dulqaadan doonno in maalin walba qof muhiim ah ay naga dilaan, tallaabooyin ayaan qaadi doonnaa, gacanta ayaana kusoo dhigi doonna kooxaha dambiilayaasha ah ee bulshada ku dhex dhuunta," ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

AUN Marxuum Max'uud Xasan Dhogor ayaa ahaa oday dhaqameed siweyn looga yaqaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana magaalada Kismaayo maanta siweyn looga hadal hayaa dilka loo geystay marxuumkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.