4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Markab ay la Socdeen 962 Qoxooti Soomaaliyeed ah oo Saakay ku xirtay Dekedda BERBERA


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Saakay 08:30 Aroornimo Waxaa Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland gaaray markab sida 962-qof oo Qoxooti Soomaaliyeed ah oo laga keenay dalka Yemen, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu Sheegay in ay Markabkaas u kireeyeen si uu Qoxootigan uga soo qaado Yemen.

Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in markabkan ay howshiisa wadeen guddi isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin qunsuliyadda safaaradda Soomaaliya ee Yemen, kuwaasoo uu howshan u xilsaaray guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, iyadoo markabku uu shalay kasoo ambabaxay dekedda Bureekha oo ku dhow magaalada Cadan.

Maxamed Xasan Daryeel oo ah la-taliyaha gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia isla markaana ka mid ah guddiga howshan wada ayaa xaqiijiyay in markabka qoxootigaan wadan uu saaka gaaray Berbera uu u kireysan yahay baarlamaanka Somalia, isla markaana ay saaran yihiin 960-Qaxooti Soomaaliyeed ah iyo laba qof oo Yemeniyiin ah.

“Waxaa Howshan Baarlamaanka Somalia ka Gacan-siisay Shirkad la yiraahdo ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa; waxaana wejiga labaad ee dhameystirka howshan uu yahay in maalinnimada Sabtida ah ay billowdaan diyaarado lagu soo daabuli doono Qoxootiga ku sugan Yemen iyo in loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen deegaannadoodii,” ayuu yiri Daryeel oo ah xildhibaan hore.

Sidoo kale, Baarlamaanka FS ayaa ku dhawaaqay gurmadkan inuu ka qayb-qaadanayo 22-kii Abriil 2015-ka, kaddib markii ay arrintan go'aamiyeen guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana lacagta uu baarlamaanku howshan ugu deeqay ay gaaraysaa 300,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bogaadiyay gurmadka loo sameynayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya Yemen; wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay Puntland iyo Somaliland oo soo Dhaweeyay Qoxooti badan oo kasoo laabtay Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya