4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Qardho kula kulmay Qaar ka mid ah Wax-garadka Degmadaas

Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta barqadii booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay Degmada Qardho ee Gobolka Kar-kaar,halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa madaxweynaha kaga sii horeeyay Qardho ,waxaana mas’uuliyiinta ku soo dhaweysay degmada Qardho kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Karkaar,duqa degmada Qardho iyo xubno ka tirsan dowladda oo horey halkaas u sii joogay.

Waxaa soo dhaweyn kaddib uu madaxweynuhu xarigga ka jaray jid weyn oo  u dhaxaysa Bankiga iyo xarunta dowladda hoose ee degmadaas, taasoo noqonaysa tii lixaad oo uu ka jaro xarigga muddo kooban gudaheed.

“Booqashadan waa mid kamid ah kuwa aan horay halkan ugu iman jiray ,waxaan kaloo idiin kugu hambalyaynayaa horumarada aad ka gaarteen dhinaca waddooyinka,“ ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kormeeray xarumaha dowladda ee degmada Qardho, waxaana uu warbixinno ka dhagaystay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gacanta ku haya goobo muhiim ah oo ku yaala Qardho.

Ugu danabayn,madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa isla maaanta kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka gobolka Kar-kaar oo ay ka wada hadleen arimo badan ,waxaana la filayaa in Gaas iyo wafdigiisa ay u sii gudbaan magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]