4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Kooxo ka tirsan Al-shabaab oo xalay khudbad ka jeediyay Masjid ku yaalla Magaalada Gaarisa


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa Xalay Muxaadaro ka jeediyay Masjid ku yaalla Magaalada Gaarisa, iyadoo la sheegay in Masjidka ay ku jireen dad badan, kuwaasoo dhageysanayay muxaadarada Al-shabaab.

Ruux ka mid ah dadkii muxaadarada laga jeediyay msjidka oo ku yaalla deegaanka Ijaara ee Gaarisa ayaa sheegay in kooxaha khudbadda jeedinayay ay ahaayeen 40 qof oo aad u hubeysan, isagoo xusay inay dadka kasoo kexeeyeen magaalada ayna isugu keeneen masjidka; halkaasoo ay laba saac khudbado ugu jeedinayeen, halka kuwo ka mid ahna ay ilaalinayeen masjidka.

“Muxaadaradu waxay ahayd mid u badan inay dadka ku baraarujiyaan Jihaadka, waxay nooga digeen inaan la shaqeyno maamulka Kenya, waxayna shacabka ku booriyeen inay ka mid noqdaan Al-shabaab,” ayuu yiri ruuxan oo magaciisa aan sheegin sababo amni awgeed.

Sidoo kale, dad ka mid ah kuwii khudbadda dhageystay ayaa iyagana sheegay in markii muxaadaradu ay dhammaatay ay aadeen duurka oo ay markii horeba ka yimaadeen.

Tallaabadan ayaa dharbaaxo weyn ku ah laamaha Amniga dalka Kenya, taasoo muujinaysa in Al-shabaab ay awood u leeyihiin inay wixii ay doonaan ay gudaha Kenya ka sameeyaan.

Xukuumadda Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan, Waxaana tani ay imaanaysaa xilli ay Dowladdu bedeshay dhawaan mas’uuliyiinta Magaalada Gaarisa oo ka mid ah Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Ugu dambeyn, horraantii bishii Abriil ayay ahayd markii Al-shabaab weerar xoogan ku qaaday Jaamaadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dishay 148-qof oo u badnaa ardaydii wax ka baranayay Jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya