4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Dagaallo Xalay ka dhacay Magaalada Bujumbura iyo Askari Boolis ah oo la Toogtay (SAWIRRO)


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Iska-horimaadyo Xooggan ayaa Magaalada Bujumbura ka socday xalay oo dhan, iyadoo xiisado laga dareemayo saakay magaaladaas, sidoo kalena askari ka tirsan booliiska dalkaas ayaa waxaa toogasho ku dilay askar kale oo booliis ah.

Wakaaladaha wararka caalamka ayaa soo tabinaya in iska-horimaadyadii ka dhacay Bujumbura ay ahaayeen kuwo u dhexeeya ciidamada booliiska dalkaas iyo kooxo ka mid ah kuwa dibadbaxyada ka wada xarunta dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay rasaas ku fureen shacabka iyadoo dadweynuhu ay iska-caabin sameeyeen, waxaana dhintay askar ka tisranaa booliiskii howlgalka ku jiray, kaddib markii ay si kama ah ku toogteen askar kale oo ay howlgalka kuwada jireen.

Toogashada askariga booliiska ah ayaa xalay ka dhacday xaafadda Nyakabiga oo ka tirsan Bujumbura, iyadoo la sheegay in shacabkii xaafaddaas ku noolaa ay xalay oo dhan ka barakacayeen guryahooda, inkastoo xaaladda xaafaddu ay maanta tahay mid deggen.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah ay dibadbaxyadu kasii socdaan xaafadaha caasimadda dalkaas, kuwaasoo qayb ka ah kacdoono looga soo horjeedo madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza oo sheegay inuu mar sadexaad isku sharraxayo xilka madaxnimo ee dalkaas.

“Xalay oo dhan waxaa magaalada ka socda rasaas xooggan, xiisaddu waa mid aad u sarreysa maanta,” ayuu yiri Bosco oo ah wiil 28-jir ah oo degen xaafadda Masuga oo ka mid ah xaafadaha Bujumbura.

Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay xiisadaha siyaasadeed ee Burundi ka socda dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, iyadoo hoggaamiyeyaasha dalkaas ay weli ku baaqayaan in la joojiyo dibadbaxyada, si amniga loo adkeeyo.

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay Telefishinka dalkaas ayuu ku sheegay in la ilaaliyo midnimada Burundi, sidoo kalena laga digtoonaado in dalka dib loogu celiyo dagaalladii sokeeye ee dhiigga badan uu ku daatay, kaasoo lasoo af-jaray sannadkii 2005-tii.

“Burundi uma baahna in laga abuuro xiisado isirka ku saleysan, shacabkeennana la kala qaybiyo,” ayuu yiri Nkurunziza oo intaas ku daray. “Colaadihii horay noo kala qaybiyay ee uu dhiigga badan ku daatay ayaa cashar noogu filan.”

Ugu dambeyn, dibadbaxyada ka socda Burundi ayaa ka dhashay go’aanka uu Pierre Nkurunziza ku gaaray inuu mar saddexaad xilka madaxnimo isku soo taago, taasoo ay si adag uga soo horjeesteen mucaaradka dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya