4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
XASAN SHIIKH: Dowladda waxay diyaar u tahay inay Qabato Wax Walba oo ay Awoodo (Sawirro)


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyadda kulan kula qaatay guddiga badbaadinta Qaxootiga Soomaaliya ee Yemen; iyadoo ay kulanka goob-joog ka ahaayeen RW Somalia iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan.

Guddiga oo warbixin siiyay madaxweynaha ayaa sheegay inay wadaan dadaal xoog leh oo loogu Gurmanayo Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen, isla markaana Lacag looga ururinayo ummadda Soomaaliyeed si dadkaas loogu badbaadsho.

Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay guddiga iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadanaysa badbaadinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku Xayiran Yemen.

“Wiil yar ee caseeya ah oo aan og-nahay lacagta soo gasha ee yiri hal doollar ayaan ku kaalmeynayaa dadka Soomaaliyeed ee soo laabanaya, halka doollar marka laga yimaado, dareenka uu wiilkaasi muujiyay waa wax aad iyo aad u qiimo badan,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray. ”Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo ay ka mid tahay in dhammaan shaqaalaha dowladda, kuwa riyidka, ciidamada iyo mas’uuliyiinta intaba ka qayb ka qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee soo laabanaya.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa ku baaqay in si la mid ah sida dadka Soomaaliyeed gurmad loogu fidiyo dadka u dhashay dalka Yemen ee ku soo qaxaya dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya