4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2015
Samantha Lewthwaite oo la sheegay inay madax u tahay Dumarka Sirdoonka ah ee Al-shabaab


Khamiis, May 21, 2015 (HOL) — Haweeneyda u dhalatay Britain, Samantha Lewthwaite ayaa la sheegay inay madax u tahay 200 oo haweenka ah oo Sirdoonka ururka Al-shabaab ka tirsan, sida uu baahiyay wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa London.

Lewthwaite, ayaa ah haweeney garoob ah oo qayb ka ahayd weerarkii argagaxiso ee ka dhacay London ee loo yaqaanno 7/7, iyadoo xilligaasna ahayd xubin ka mid ah sirdoonka Al-shabaab ee loo yaqaanno Amniyaadka.

Tan iyo markii udub-dhexaad u noqotay sirdoonka Al-shabaab waxaa la sheeegay in ay ka dambeysay weerarro lagu dilay 400 oo qof oo ay ku jiraan 148 ruux oo lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Lewthwaite ay la nooshahay koox haweenka Al-sbabaab ka tirsan, kuwaasoo ugu yeera ‘Hooyada Jihaadka’ iyadoo la sheegay inay inta badan isku daydo inay xogo dheeraad ah ka hesho deegaannada ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inay ka mid tahay haweeneydan dadkii abaabulay weerarro dhowr ah oo hoteello ku yaalla Muqdisho ay Al-shabaab ka fulisay sannadkan.

“Haweeneydan waxay ku guuleysatay inay haween badan soo jiidato ayna fikirka ah inay jihaad ku jiraan ay ka dhaadhicisay,” ayuu yiri sarkaalka oo aan magaciisa la xusin.

Dhan kakale, warbixinta ayaa kusoo beegmaysa xilli danjire Kay uu ka digay inay dhici karto in Al-shabaab ay carqaladeyso doorashooyinka la filayo inay sannadka soo socda ka dhacaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa tan iyo 1991-kii kusoo jirtay colaado iyo dagaallo sokeeye, kuwaasoo salfaday noloshada dad badan, waxaase sannadihii aynu kasoo gudubnay soo xoogeysanayay isbedelka ka socda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya