4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
XASAN SHIIKH: Aadan baan u soo dhaweynayaa Fikirkiina ku Aadan Horumarinta Waddankeena


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay dhallinyaro iyo aqoonyahanno, si uu u dhegeysto fikradahooda ku aaddan qaabka ugu habboon ee dalka looga hir-gelin karo is-beddelo wax-tar leh oo la Xiriira dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu falan-qeeyay arrimaha Hiigsiga 2016-ka, wax soo saarka, kobcinta dhaqaalaha iyo Wax-soo-saarka Wadanka, maal-gashiga iyo in la sameeyo nidaam canshuureed habeysan.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa soo dhaweeyay fikradaha halkaasi ay kasoo jeediyeen xubnahaas, isagoo dhanka kalena kula dardaarmay inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo badbaadinta dalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa fikirkiinna wanaagsan. Maadaama Dowladdeenna ay ku dhisan tahay wada-tashi; waxaan weli idinka sugaynaa inaad noo soo gudbisaan fikrado kuwan aad maanta bixiseen ka badan, kuwaasoo ah kuwo ku qotoma dhinacyada amniga, siyaasadda iyo kobcinta dhaqaalaha’,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanada ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay fursada loo siiyay inay fikrado ku darsadaan mustaqbalka waddanka, iyagoo ballan-qaaday inay dadaal badan gelin doonaan sidii lagu heli lahaa horumarka Soomaaliya cusub oo nabad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya