4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
SAWIRO: Olole nadaafadeed Maanta ka bilowday Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Maalmahan Waxaa Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ka Socday Barnaamij Sare loogu Qaadayay is-dhex-galka Bulshada iyo maamulka degmada, kaasoo ay hormuud ka yihiin maamulka magaalada Jowhar, ayna kala Qayb-qaadanaayaan madaxda maamulka Gobolka iyo Wasaaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Ololahan Nadaafadeed oo maanta si weyn looga dareemay Degmada Jowhar ayaa waxaa ka qayb-galay ardayda iskuulada degmada wax-ka-barta oo ay ka mid ahaayeen dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Sh. Xanafi, kan Farjanno iyo Shacab, mas’uuliyiinta Dowladda, waxaa kaloo ka Qayb-qaatay Qaybaha Nadaafadda Afarta Waax ee Maamulka Degmada Jowhar ay ka kooban tahay.

Waxaa Ololahan Nadaafadeed furay Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe, Guddoomiye Ku Xigeenkiisa, Gudoomiyaha magaalada Jowhar, Xasan Baroow Bocor iyo guddoomiyeyaasha Waaxaha degmada Jowhar. Waxaa Hadalka Qaatay Guddoomiye ku xigeenka Jowhar Xasan Barow Bocor oo sheegay inay tahay maalinta Nadaafadda iyo is-dhexgalka Bulshada iyo in dadweynaha iyo maamulka degmada ay wax-wada-qabsadaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha Jowhar ayaa ku dhiirri-galiyay dadka deegaanka inay ka qayb-qaataan nadaafadda deegaanka, isla markaana uu cudurka u jiro inta uu qashinku u jiro, isagoo xusay in maanta oo taariikhda tahay 13-ka May, 2015 ay maamulka degmada u asteeyeen inay ay tahay maalinta nadaafada degmada Jowhar.

Waxaan maanta loo qaybiyay dhamaan dadkii qaybta ka ahaa ololaha nadaafadda degmada Qoraallo hal-ku-dhigyo ah oo lagu dhiirri-galinaayo ka Qayb-qaadashada Howlaha Danta u ah Bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe oo ololaha goob-joog ka ahaa ayaa sheegay in bulshada Jowhar looga fadhiyo inay kawada shaqeeyaan bilicda degmada; wuxuuna ku amaanay maamulka Jowhar iyo dadweynaha sida ay arrimaha nadaafadda u maamulayaan.

Ugu dambeyn, Barnaamijkan loogu Magac-daray Is-dhexgalka Bulshada iyo Wax Wada-qabsiga Bulshada iyo Degmada ayaa Noqonaya kii ugu horreeyay ee Gobolka Shabeellada Dhexe lagu qabto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya