4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
Mashruuc lagu shaqaaleynayo Gabdhaha ka baxa Jaamacadaha oo Muqdisho laga Furay (Sawirro)


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Mashruuc shaqo lagu siinayo Gabdhaha ka qalin-jabiyay jaamacadaha dalka ku yaalla ayaa maanta lagu Daah-furay Muqdisho. Iyadoo mashruucan ay iska kaashanayaan hay’adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Dalladda Jaamacadaha Muqdisho.

Waxaa kulanka laga sheegay in mashruucan loogu talo-galay in la suuro-geliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan Shirkadaha, Hay’adaha, goobaha Waxbarashada, Dowladda FS iyo guud ahaan inta shaqooyinka bixiya.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo Bandhigay Daraasad ka hadlaysa Heerka Shaqo-helista Gabdhaha Jaamacadaha dalka ka baxay, waxaana daraasadda lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waa-weyn ee Gabdhaha ka haysta inay shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir la leh, kuwo la xiriira Shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqamada ay aaminsan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shabakadda www.fursad.so oo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay ay kusoo bandhigi karaan CV-yadooda, sidoo kalena Shirkadaha iyo Hay’adaha shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo siiyaan.

Waxaa kaloo Daaha laga rogay Hab SMS ah oo dadka shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha iyo hay’adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo yaqaano.

Mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay waxay isla Qireen in Gabdhaha aysan Shaqo u helin si la mid ah Sida Wiilashii ay isku Jaamacadaha kasoo Wada-baxeen. Iyadoo la isla gartay inay tahay mas’uuliyad qof kasta saaran inuu arrintaan kaalintiisa ka qaato.

Ugu dambeyn, Xubnihii ka hadlay xafladda Waxaa ka mid ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Jaamacadda Somalia; Agaasimaha Dalladda SOSCENSA; Agaasimaha Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada Somalia; Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) oo wasiir hore ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya