4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
Taliska Ciidamada Burundi oo Shaaciyay Maanta inay Afgambiyeen Madaxweynaha Burundi (SAWIRRO)


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dalka Burundi ayaa ku dhawaaqay maanta inay xilka ka tuureen madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo dalka Tanzania uga qaybgalaya shir looga hadlayo xiisadaha ka taagan dalkiisa.

Taliyaha millateriga Burundi, Jen. Godefroid Niyombare ayaa idaacad ka mid ah kuwa ku yaalla xarunta Burundi ee Bujunbura ka sheegay maanta oo Arboaco ah inay Afgambiyeen madaxweyne Nkurunziza, isagoo ku eedeeyay inuu dastuurka dalka Burundi ku xadgudbay.

“Madaxweynihii Dalka Burundi Pierre Nukurunziza xilka waan ka qaadnay, waayo wuxuu ku xad-gudbay Dastuurka dalka, wuxuuna isku dayay inuu mar saddexaad xilka madaxnimo u tartamo,” ayuu yiri Jen. Niyombare oo ka hadlayay Radio lagu magacaabo Bonesha FM.

Sidoo kale, Jen. Godefroid Niyombare ayaa warka uu idaacadda ku jeediyay ku sheegay in xarunta madaxtooyada Bujumbura ay haatan gacanta ugu jirto ciidamada dalka Burundi.

Hadalkan ayaa sababay in boqolaal shacab ah oo taageersan afgabiga uu ku dhawaaqay maanta taliyaha ciidamada Burundi maanta ayaa waddooyinka waaweyn ee caasimadda isugu soo baxay, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan afgambi.

DAAWO SAWIRRO ISKU DHAC DHEXMARAY BOOLIISKA IYO SHACAB

Dhanka kale, intii Jen. Niyombare uusan ku dhawaaqin afgambiga ayaa isku dhacyo waxay dhexmareen ciidanka booliiska dalka Burundi iyo Dibadbaxayaal ku suganaa Waddooyinka Bujumbura, iyadoo isku-dhaca uu khasaare aan la ogeyn ka dhashay.

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nukurunziza oo haatan ku sugan Magaalada Daaru-salaam ee xarunta dalka Tanzania oo wax laga weydiiyay afgambiga ay ku dhawaaqeen milateriga dalkaas ayaa beeniyay in la afgambiyay, balse ma jirto faahfaahin intaas dhaafsiisan oo uu bixiyay.

Ugu dambeyn, Wararka laga helayo Caasimadda Burundi ayaa Sheegaya inay Ciidamadii Booliiska ahaa ee hor-taagnaa dibadbaxayaasha ay isaga tageen waddooyinka caasimadda dalkaas ee Bujumbura. Lamana oga xalaaddu sida ay ku dambeyn doonto.

Si kasta ha ahaatee, dalka Burundi ayaa waxay ciidammo kumannaan ah kaga sugan yihiin Somalia, iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay dalkaas ka socdeen dibadbaxyo rabshado wata oo galaaftay nolosha in ka badan 15-qof oo ciidammo iyo shacab isugu jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya