4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
Al-shabaab oo Xalay Weerartay Saldhig ay ku Sugnaayeen Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dalka Kenya


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa saqdii dhexe ee Xalay weerar ku qaaday saldhig lagu magacaabo Haamey oo 35-KM u jira soohdinta Somalia iyo Kenya, kaasoo ay ku sugnayeen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen Askar badan oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, iyadoo saraakiil u hadlay ciidamada Kenya ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay hal askari, iyaguna ay dileen laba ka tirsan xoogagii Al-shabaab weeerarka qaaday.

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada dalka Kenya oo diiday inuu magaciisa sheego ayaa u sheegay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi in Xoogaggii Al-shabaab ee weerarkan soo qaaday ay rasaas ku fureen ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa xilli ay hurdayeen.

“Dableydu waxay dileen sarkaal ka tirsan ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa; iyagiina waxaa laga dilay laba ruux, Waxayna baxsadeen,” ayuu Sarkaalku ku yiri hadalkiisa. Isagoo xusay in ciidamadii ku sugnaa saldhigga ay 20-ruux ahaayeen.

Saldhigga ay Al-shabaab weerartay ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Gobolka Waqooyi-bari Kenya, gaar ahaan Gaarisa, iyadoo la sheegay inuu saldhiggan ku dhow-yahay goob ay Al-shabaab ku dishay dhowr macallin iyo saraakiil dowladda ka tirsan bishii May sannadkii 2013-kii.

Al-shabaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in weerarkii xalay ku dileen in ka badan 10-askari oo Kenyan ah, laakiinse ma aysan sheegin in Laba ruux oo ka mid ah Xoogaggeedii weerarka qaaday lagu dilay iska-horimaad saldhigga ka dhacay weerarkooda kaddib.

Tan iyo markii Kenya ay kumannaan Ciidamadeeda ka tirsan u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab ayaa weerarro ka geysanayasay gudaha Kenya, iyadoo xarumo waaweyn oo ku yaalla Kenya weerarro khasaare badan geystay ku qaaday.

Horraantii bishii Abriil ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Al-shabaab ay ku qaaday weerar Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen 148-ruux oo u badnaa ardaydii jaamacaddaas wax-ka-baranayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya