4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
Dowladda Somalia oo dil Toogasho ah ku Fulisay laba Qof oo dhowr Xildhibaan ku dilay Muqdisho


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba ruux oo horay toogasho ay ugu xukuntay maxkamada, kaddib markii ay qirteen inay Muqdisho ku dileen xildhibaanno ka tirsan dowladda Somalia.

Labada ruux ee toogashada lag fuliyay oo rag ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37-jir ahaa iyo Faarax Cali Cabdi oo 30-jir ahaa, iyadoo ay goobta uu dilku ka dhacayay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada DF Soomaaliya.

Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in labadan ruux ay qirteen dilalka xildhibaanno dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay, taas awgeedna lagu xukumay dil toogasho ah, laguna fuliyay maanta.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa labadan ruux dil toogasho ah ku xukuntay 06-dii bishii Abriil markii xeer-ilaalinta Maxkamadda ay kusoo eedeysay dilal dhowr ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa labada qof ee lagu fuliyay dilka toogashada ah ku eedeysay inay ka dambeeyeen dilalkii loogu geystay Muqdisho xubno ay ka mid yihiin.

1. Xildhibaanad Saado Cali Warsame
2. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd
3. Xildhibaan Aadan Maxamed Cali (Sheekh Aadan Mad-deer)
4. Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Qaranka.
5. Maxamed Axmed Maxamed (Qaanuuni) oo ka tirsanaa sirdoonka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu Horreysay oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ay ku fulisay dilal toogasho ah dad ay ku eedeysay inay ka Tirsanaayeen Al-shabaab iyo askar ka tirsan ciidamada oo dambiyo kala duwan geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya