4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2015
Roobab Khasaare Geystay oo Dhawaanahan ka Da’ay Dalka Kenya (VIDEO + SAWIRRO)


Arbaco, May 13, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku Geeriyootay in ka badana wey ku dhaawacmeen kadib markii roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka kenya uu sababay inuu dumo darbi xayn-daab u ahaa Masaajid ku yaallo xaafada South B ee magaalada Nairobi.

Waaxda gurmadka dag-daga Kenya, ayaa sheegtay iney ka daad-guureyeen goobtaas dad badan oo dhaawacyo qabo, waxeyna sidoo kale sheegeen in dadka geeriyooday ay u badnaayeen kuwii ku cibaadeysanaayay Masaajidaas oo ku dumay guryo dad dan-yar ah ay leeyihiin.

Dhanka kale magaalada Nairobi, ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa ka da’ay roobab xoogan oo ka tagay biyo badan oo dhex fadhiistay qaar kamid ah wadooyinka waa weyn, sababayna ciriir dhanka socodka ah.

Labadii habeen ee roobabka mahiigaan ah ay ka da’ayeen Nairobi, waxaa sidoo kale jiray ciriiri dhanka isku socodka ah; gaar ahaan wadooyinka Uhuru Highway, Mombasa Road, Jogoo Road, Langata Road, Ngong Road, Valley Road, Waiyaki Way iyo Thika Superhighway. Kuwaasoo isku xiro faras magaalada Nairobi iyo waliba xaafadaha ay ka mid ka yihiin South C, South B, Fedda, Burubur, Karen, Hurlingham, Westlands, Githurai iyo xaafadaha u dhaxeyo magaalooyinka Nairobi iyo Thika.

 

Jogoo Road oo ah wadada ugu ciriiriga badan wadooyinka mara wadamada ku yaallo bariga Africa, ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay xaaladeedu waxey aheyd mid aad u xun dhanka ciriiriga gaadiidka.

Sababta ugu weyn ee wadadaas u kentay ciriiriga, ayaa lagu sheegay iney tahay mugga dadweynaha isticmaalo ee ku dhaqan xaafadaha Umoja , Buruburu, Embakasi, Makadara iyo xaafadaha Donholm oo dhamaantood ku yaallo Bariga magaalada Nairobi kana mid ah meelaha ugu dadka badan.

Si kastaba ha ahaatee roobabka mahiigaanka ah ee khasaaraha geystay, ayaa sidoo kale waxey ka da’een gobalo iyo magaalooyin kala duwan oo Kenya ka tirsan, iyadoona magaalada Narok oo ka tirsan gobalka Rift Valley ay dad ku dileen daadadkaas isla markaasna ay baabuur qaadeen.

Ugu dambeyn, Fatahaadahaan oo sababay khasaaro iskugu jiro Dhimasho, Dhaawac, Bur-bur hantiyadeed iyo Ciriiri badan, ayaa waxey ka jiraan qeybo fara badan oo ka tirsan gobalada Wadanka Kenya, ayadoo dowlada Kenya, ayaa sheegtay iney dumin doonto guryaha ku dhow meelaha biyaha ay maraan si looga fogaado dhibaatooyinka ay daadadku geysan karaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] |
[email protected]
Nairobi – Kenya