4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
Xildhibaanno Maanta Bogaadiyay Shirka Dib u Heshiisiinta ah ee ka Socda B/weyne (SAWIRRO)


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Shir jaraa'id oo ay Wadajir ugu Qabteen Beledweyne xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayeey ku bogaadiyay shirweynaha dib-u-hishisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ee ka soconaya magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Maxamed Cumar Macalow oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Somalia ee ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in ay siweyn ula dhacsan yihiin ilaa iyo hadda habsami u socodka shirka oo 01-dii bishan ka furmay magaalada Beledweyne.

''Shirka waa shir dib-u-hishiisiin ah oo ay fadhiyaan ergo ka socta Beelaha dega Gobolka, annaga ka xildhibaan ahaan runtii aad ayaan u bogaadineynaa sidda habsamida leh ee uu shirku u socdo iyo waliba sidda furan oo ay beelluhu u wadda hadallayaan, una dhamey-sanayaan wixii khilaaf ah ama dhibaato oo ay kala tirsanayaan," ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Pro Max'ed Max'uud Guure oo shirka jaraa'id ka hadllay ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay ka qeyb-gallka shirka iyo sidda ay isku xil qaameen guddiga hogaamineysa shirweynaha iyo ergada soo ajiibtay, waxaana uu intaa ku darray in ay jiraan guul bilow ah oo shirka laga gaaray.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qodobka muhiimka ah ee in la xuso mudan yahay in ay uu jiro guddi gaar ah oo shirka  u qaabilsan xalinta khilaafaadka iyo tabashada beellaha, oo haddii ay jiraan beello wali shirka ka maqan ku qancinaya in ay ku soo biiraan.

“Shirka guud ahaan waa shir ay ku wadda idil yihiin beelaha wada dega gobolka Hiiraan, dabcan wey dhici karaan in ay jiraan beello ka maqan, laakiin arrintaa waxaa u taagan guddi gaar ah oo ka shaqeeya siddii ay u qancin lahaayeen haddiiba ay jiraan beello wali shirka ka maaqan'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beylle.

Xukuumada Somalia ayuu ugu baaqay in ay qaadato doorkeeda ku aadan shirka, maadama madaxweynaha jamhuuriyada uu bogaadiyay shirweynaha kuna tilmaamay in uu yahay mid ay dowladdu og-tahay.

Shirka oo gallay maalintiisii 12-aad ayaa mudadii uu socday waxaa uu ku guuleystay in uu soo afjaro khilaaf u dhaxeeyay ilaa saddeed beellood oo ka mid ah beellaha shirka ka qeyb-gallaya, kuwaa oo sheegay in ay ka hishiiyeen wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyay.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ku sugan Beledweyne, ayaa gaar ahaan ka mahad celiyay taageerada uu madaxweyne Xassan Sheekh u muujiyay shirka, oo ay u rajeeyeen in ay ka soo baxaan go'aamo wax ku ool ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya