4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
SAWIRRO: Xero lagu Tababari doono CXD oo ay dhistay Imaaraadka Carabta oo Xariga laga Jaray


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray jaray xero lagu tababrayo ciidanka Xoogga Somalia oo dowladda Imaaraadka Carabta ay ka hirgelisay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xaflad furitaanka ayaa waxaa ka qaybgalay lagu qabtay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen RW ku xigeenka Soomaaliya, Wasiirrada Gaashandhigga, Amniga Gudaha, Warfaafinta, safiirka imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, wakiillo ka socda Calaamka iyo marti-sharaf kale.

Danjiraha Imaaraadka Carabta u jooga Somalia, Maxamed Axmed Cismaan oo khudbad ka jeediyey munasabada ayaa sheegay in dhismahan xerada lagu tababarayo ciidamada xoogga dalka ay qayb ka tahay mashaariic dhowr ah oo ay Somalia ka hirgelinayso dowladdiisa.

“Waxaan Somalia ka caawinaynaa si ciidamadooda ay noqdaan kuwa xoog leh, waxaan uga yaboohaynaa tababar iyo qalab, waxaan Dugsiga uga talo-galnay in ciidamada qalabka sida ee Somalia lagu tababaro, mashruucani wuxuu dhismihiisu billowday sannadkii hore isagoo soo idlaaday sannadkan,” ayuu yiri danjire Cusmaan.

Sdoo kale, Dajiraha ayaa yiri. “Mashaariic badan ayaanu ka fulinaa Soomaaliya oo ay isugu jiraan kuwa bani’aadamnimo, hurumarin, dhinaca siyaasadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale waxaanu ku baahinnay mashaariicdeenna Goballada Shabeelada Hoose, Dhexe iyo Bay, waxaana mar dhaw furi doonnaa isbitaal weyn oo aan ka hirgelinay degmada C/casiis ee Gobalka Benadir, kaasoo ay ka faa’iideysan doonaan 300 oo qof dad kor u dhaafaya, kuwaasoo heli doona caafimaad lacag la’aan ah.”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida loo caawiyo Soomaaliya, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka Qaranka.

“Tani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno Al-shabaab inuu yahay mid caalami ah oo dalalka adduunka ay mar walba nagu garab-taagan yihiin. Waxay kaloo jawaab u tahay codsi aan horay ugu jeediyay madaxda dowladda Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska dalkeenna ay taageero weyn ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqbalay dalab-keenna,’’ ayuu ku yiri khudbaddiisa madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Shiikh ayaa intaas ku daray in dowladda Somalia ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadli doonto mashaariic kale oo dalka laga fuliyo, kuwaasoo la shaacin doono marka la isku af-garto qaabka loo fulinayo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda Imaaraadka Carabta ka taageerada ay siiso dowladda, gaar ahaan kaalmada dhanka ciidamada iyo dhismaha xaruntan Ciidamada Dalka lagu Tababari doono, Isagoo xusay in xerada looga magac-daray ALLAHA u naxariistee, Jen. Ibrahim Maxamed Farax (Gordon) isagoo xusay inay ka geysan doonto xerada gacan weyn dhismaha ciidamada xoogga Somalia.

Ugu dambeyn, munaasabada ayaa waxaa bar-bar-socotay Qalin-jabinta illaa 300 oo Aaskari oo muddo afar bilood ah ku tababaranayay xeradan; kuwaasoo uu tababarka u dhamaaday iyagoo soo bandhigay qaar ka mid ah tababarradii ay qaateen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya