4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Barnaamijka Mideynta Ciidamada Waa mid lagu Mideynayo Shacabka


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Ciidamada Qaranka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hawlaha guddiga cusub ee isku dhafka ciidanka xoogga Dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Tallaabada isku-dhafka Ciidamada Qaranka ay Muhiim u tahay horumarinta awoodda iyo tayada Ciidanka xoogga iyo sidoo kale gaarista hadafyada dib u dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xaqiijinta Soomaaliyada cusub oo ku dhisan nidaamka federaalka.

“Muddo 25-sanno kaddib, Waxaan maanta goob-joog u nahay maalin Taariikhi ah. Daah-furka Hawlaha Guddiga isku-dhafka Ciidamada waxaa uu muhiim u yahay dib u Dhiska nidaamka sharciga, soo celinta kalsoonidii bulshadeenna iyo inaan horay u sii dhaqaaqno, una dhisano mustaqbal ka wanaagsan kii hore ee ina soo maray,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inay jiraan arrimo kale oo muhiim u ah dib u dhiska iyo mideynta dalka, balse tallaabadan isku-dhafka ciidamada ay tahay midda ugu muhiimsan ee keeni karta in horay loo sii dhaqaaqo, gacanna ka geysan karta dhaqan-gelinta Hiigsiga 2016-ka.

“Hiigsiga 2016-ka iyo barnaamijka Somali Compact oo ay anxisisay dowlada Soomaaliya sanadkii 2013, wuxuu si cad ugu qeexan talaabooyin muhiim u ah in horumar laga sameeyo dhinacyada amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Kulamo badan oo aan horay u qabanayna waxaan ku muujinay muhimadda ay leedahay in ciidamada la isku-dhafo, Waxaana maanta ina Hor-fadhiya guddigii aan dhamaanteen u saarnay inay hawshaasi qabtaan, waana filayaa inay si habsami leh hawshooda u qaban doonaan,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddiga kula dar-daarmay inay fursadda ay heleen ay si wanaagsan ugu faa'ideyaan shacabka. Isagoo yiri. “Xubnaha Guddiga waxaan u sheegayaa inay haystaan fursad ay Somalia taariikh wanaagsan uga tagaan. Shacab muddo dheer colaad uu ka dhexeeyay ayaa la idinka doonayaa inaad dib u mideysaan. Shacabkana waxaan u sheegayaa inay iska iloobaan taariikhdii mugdiga ahaa ee ina soo dhaafey, ayna is cafiyaan. Kuwa inoogu geesisan ma ahan kuwa weli ku mashquulsan wixii lasoo dhaafay, balse waa kuwa ka shaqeynayaa inaanay mar dambe Wadankeena uga dhicin falalkii xanuunka badnaa ee ina soo dhaafay.’’

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa ayaa uga mahad-celiyey dowladda Britain oo gacan weyn ka geysatey hirgelinta barnaamijkan iyo AMISOM iyo dalalka Beesha Caalamka oo mar walba taageero la garab-taagan Soomaaliya.

Guddiga isku-dhafka ciidamada Qaranka oo ah guddi heer qaran ah ayaa waxaa Ansixiyay golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana madax u ah Maxamed Cali Xagaa oo ah wasiir-u-dowlaha gaashaandhigga DFS.

Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa ka hadlay RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaandhigga, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya