4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
António Guterres oo booqday Kismaayo kulana kulmay Qoxooti dib uga soo laabtay Soomaaliya


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Mas’uulka ugu sarreeya haya’dda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, António Guterres ayaa Booqday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose toddobaadkan, isagoo halkaas kula kulmay qaar ka mid ah Qoxootigii Soomaaliyeed ee go’aansaday inay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Dadkii uu Kismaayo kula Kulmay Guterres ayaa Waxaa ka mid ahaa Wiil 20-jir ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Madar kaasoo ku dhashay Dhadhaab-Kenya, waxaana uu Kismaayo kusoo laabtay bishii Feberaayo ee sanadkan.

“Fursadda ah in Qoxootiga Qiyaar loo siinayo inay Dalkooda ku laabtaan iyo in kale ayaan go’aansaday inaan waddankeyga kusoo laabto. waxaana doonayaa inaan nolosheda inta ka harsan dalkeyga ku qaato,” ayuu Madar u sheegay António Guterres.

Wuxuu kaloo Madar sheegay in maalin iyo habeen uu ku hadlo Luuqaddiisa Hooyo ee Afka Soomaaliga oo uusan si wanaagsan ugu hadli jirin. isagoo yiri. “Haddii aan heli lahaa shaqo wanaagsan, hooyadey halkaan ayaa kusoo celin lahaa.”

Sidoo kale, Cali Madar ayaa u sheegay Guterres inuu Xeryaha Dhadhaab-Kenya uu kusoo dhameeyay Wax-barashadiisa dugsiga sare, ayna sababta uu dib ugu soo laabtay dalkiisa ay ka mid tahay sidii uu uga Qayb-qaadan lahaa dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuse muujiyay inaysan taasi ahayn mid sahlan.

“Xeryaha Dhadhaab ayaa kusoo dhameystay Waxbarashadeydii sare, balse weli ma helin wax shaqo ah,” ayuu yiri Madar. Isagoo sheegay in Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee Kenya, Soomaaliya iyo UNCHR ay kala Saxiixdeen ee ahaa dib u celinta qoxootiga uu ka faa’iideystay.

António Guterres oo ka hadlay heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas ay ka mid yihiin inaan qoxootiga si khasab ah lagu celin, balse la sameeyo qorshe sahli kara inay dib ugu laabtaan dalkooda, wuxuuna xusay inuu arrimahaan oo dhan kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo weliba madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

In ku how nus malyuun Qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ku nool, kuwaasoo Qaarkood Deggenaa Xeryahaas tan iyo 1991-kii markaasoo ay Somalia ka dilaaceen colaado, waxaana 2,000 oo ka mid ah Qoxootigaas ay dib ugu soo laabteen Somalia; kuwaasoo la geeyay magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

“Anigu ma aanan eegayn waxyaabaha gacan-qabsiga ah ee Qoxootiga dib u soo laabanaya la siinayo, balse waxaan doonayay inaan Waddankeyga dib ugu soo laabto. Saaxiibbadeyda weli ku sugan Dhadhaab-na waxaan ugu baaqaa inay dalka kusoo laabtaan, maadaama is-bedel weyn uu hadda ka jirto dalka,” ayuu mar kale yiri Cali Madar.

Dhanka kale, António Guterres oo Jimcihii lasoo dhaafay booqday xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay inuu madaxweynaha Dalka Kenya uga mahad-celinayo soo dhaweynta Qoxootiga Soomaaliyeed uu u sameeyay, isagoo xusay inuu ka rajeynayo inuu caawinta Qoxootiga sii wado tan iyo inta ay go’aankooda dib u laabashada ah si iskood ah u qaadanayaan.

Ugu dambeyn, António Guterres ayaa ugu Baaqay Beesha Caalamka inay ku Sameystaan Somalia maal-gashi, isagoo yiri. “Haddii aan maal-gashiyo ku sameysanno waxay Somalida u fududeynaysaa inay xal u helaan Amni-darrada dalkooda, iyadoo taasina ay faa'iid weyn u noqon doonto dalalka gobolka ku yaalla, gaar ahaan Kenya.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya